Ergayga Denmark U Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Oo Madaxweyne Siilaanyo Hortiisa Ka Muujisay Walaacooda dib U Dhac Dambe ee Doorashada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ergayga Denmark U Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Oo Madaxweyne Siilaanyo Hortiisa Ka Muujisay Walaacooda dib U Dhac Dambe ee Doorashada
September 16, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Ergayga dawladda Denmark u qaabilsan isu-duwidda mucaawinooyinka la siiyo Somaliland  Kira Smith Sindbjerg, ayaa madal madaxweyne Siilaanyo iyo ilaa 10 wasiiradiisa ka mid ahi ku sugan yihiin ku sharaxday walaaca ay ka qabaan in mar kale doorashooyinka sanadka 2017-ku qabsoomi waayaan “Doorashooyinku kuma cusba Somaliland, haseyeeshee dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka 2017, waxay noqon doonaan kuwo aan cudur daar lahayn,” ayay tidhi haweenaydani.

Haweenaydan oo ka hadlaysay kulanka 8-aad ee isu-duwida mucaawinooyinka Somaliland la siiyo oo shalay Hargeysa lagu qabtay waxay sheegtay inay beesha caalamka u muuqdaan afar qodob oo ay tahay in laga shaqeeyo, kuwaasi oo kala ah : in la dhameeyo xeerka lagu dooranayo wakiillada, in diwaangalinta codbixiyeyaasha la dhameeyo badhtamaha 2016-ka oo ah 9 bilood ka hor wakhtiga doorashada, maadaama qalibkii Hargeysa yaalo haddana tijaabo ku jiro, in dumarka laga siiyo door firfircoon arrimaha siyaasadda iyo in doorashada guurtida oo ku beegan sanadka 20180ku ay haddii ay qabsoonto noqon doonto  tiirka labaad ee dhamaystiraya dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxay sidoo kale ka hadashay hanaanka xuquuqal iisaanka, iyadoo soo hadal qaaday xadhigii Guuleed Dafac oo xuquuqal iisaanka Somaliland u dhaqdhaqaaqa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiillada u cayimay 28-03-2017, kadib markii maxakamadda sare xallisay murankii ka dhashay muddo kordhinta guurtida

 

COMMENTS
LINKS