Dhaliinyaro Siyaasadaysan Oo Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Dibada Oo Waji Gabax Kala Kulmay Arimo Ay U Tageen Burco Iyo Dareenada Ku Xeeran. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhaliinyaro Siyaasadaysan Oo Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Dibada Oo Waji Gabax Kala Kulmay Arimo Ay U Tageen Burco Iyo Dareenada Ku Xeeran.
September 11, 2015 - Written by Editor:

BURCO(Wajaalenews) Dhalinyaro Iskugu jirta Agaasimyaal  Xildhibaano masuuliyiinka tirsan shirkada Telesom iyo xubno kale oo leh Haayado loo kal ah madax ka  ah     kana soo kicitimay magaalada hargaysa ayaa  gaadhay magaalada burco kuwaasi oo aan ujeedada safar kooda si rasmiya loo shaaci balse wararka aanu ka helay magaalada burco ayaa waxay daaha ka faydeen in kooxdan dhalinyrada ah laga soo abaabulay magaalada hargaysa iyagoo usocda sidii ay olole qabiilsan oo siyaasadi ka danbayso ay teegeero ugu raadin lahaayeen xubno kamida kuwa k loolamaya xisbiga kulmiye.

Warar xogogaala oo aanu ka helay xubno ku dhow dhow waftigan ayaa tibaaxay in ay burco utageen sidii ay kulamo ulan yeelan lahaayeen dhigooda magaalada burco oo ay horkacayaan xildhibaan Mubaarik bidhi  gudoomihii xisbiga kulmiye ee xilka laga qaday Sahal iyo xubno kale.Abaabulkoodana uu ka danbeeyo wasiirka madaxtooyada xirsi cali xasan Oo maalmihii udanbeeyay ku jiray olole uu ku raadsanayo sidii u noqon lahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye

 

Dhalinyaradan iyo Masuuliyiinta xidhan shaadhka baqiilka  ayaan la sheegayaan in ay waji gabax kala kulmeen  shir ay laqqadanayeen dhalinyaro lagu soo abaabulay omarka hore loo sheegay in ay la kulmayaan gudoomiyihii xisbiga kulmiye oo burco jooga balse markii danbe arkay dhalinyarada teegeerada u raadinaya    abaabulkoodana uu  ka danbeeyo  Wasiirka Arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis  iyagoo Daba socda   safar ay hore ugu Tageen Magaalada Burco Dhalinyaro Taageersan gudoomiyaha xisbiga kulmiye kana koobnaa deeganada beesha sacad muuse ay degto kuwaasi oo iyagu kulamo lasoo qaatay   dhigooda magaalada burco gaar ahaan dhalinyarada beesha   habar jeclo, oo ay siyaasad wadaag yihiin.

Dhalinyarada uu  hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaarada Arimaha Dibada Maxamed Xasan Siciid iyo xubanaha iskugu jira xildhibaanada iyo shaqaalaha ayaa  ama kaag ku noqotay bulshada reer burco taasi Oo buuq badan abuurtay,

 

Dhinaca kale dhalinyarad ayaa sida lasheegay iskuwada jufa hoose ah kana kooban 10 xubnood kuwaasi oo magacyadooda lagu sheegay sidan;

 

 

Jimcaale Muxumed Faarax

Agaasime maxamed xasan siciid

Cabdiwahaab xaaji cali

Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor

Sacad Xaaji Maxamuud

Xildhibaan Cismaan Waxar Iyo xuno kale oo aanan helimagacooda.

isku soo wada duub oo waxaa bulshada reer somaliland ildheer ku eegayaan dhacdooyinka iyo arimaha keenay in shaqaalaha shirkado madaxbanaan iyo agaasimayaal dawladeed galisay aabul qabiil iyo kicin beeleed taasi o ka hor imanaysa xeerka shaqaalaha iyo habdhaqanka dawaldeed amaba NGO,

 

 

WAJAALENEWS DESK

BURCO OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS