|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhaliilaha Maamul Xumo Ee Dulhoganaya Badhasaabka Gabiley Iyo Warla,aanta Madaxweyne Siilaanyo.
September 26, 2015 - Written by Editor:GABILEY(Wajaalenews) Madaxwayne Siilaanyo Ayaa 10/05/2014 Usoo Magacaabay Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo xilka kala wareegay badhasaabkii ka horeeyay. mudada uu hada xilka hayo mr shiine ayaa hada ah sanad iyo afar bilood Gudoomiyahan G/gabiley ayaa mudadii uu xilka hayay waxaa lagu xasuustaa waxyaabo badan oo uu kaga duwan yahay badhasaabyadii soo maray gobolka oo ay ugu mudan tahay habacsanaan xaga maamulka ah oo ay kamid tahay safaro tamashlayn ah oo badiba meesha kasaaray hawlihii shaqo ee loo igmaday dabarna ku noqday dhamaan hawlihii horumarineed ee Gobolka. Sidoo kale wuxu Mr shiine waxuu Gobolka kusoo kordhiyay arimo badan oo keenay in ay saluugaan wax qabadkiisa waxgaradka iyo bulsho waynta reer Gabilay kuna eedeeyaan in aanu qancin marka ay xafiiskiisa ugu cawdaan ama ay lakulmaan xafiiskiisa oo xidhan marmarka ay la kulmaana ku xanaaqo oo ugu tiraabo ii dhaafa xafiiska. Waxa kale oo Badhasaabka Gabiley noqday Badhasaabka ugu liita dhamaan Badhasaabyada Gobolada marka laga eego dhinaca gudashada shaqo isagoo Badhasaabka Gabiley noqday badhasabka kaliya ee aan xafiskiisa laba dharaarood oo isku xiga wada joogin inta badana safaro ugu baxa Ceerigaabo marna qurbaha oo uu dhawaan ku tagay kharashkii loogu talo galay in lagu sugo laguna kormeero guud ahaan Gobolka Gabiley ahaana ku shubto jeebkiisa.sidoo kale miisaaniyada gobolka ee xukuumada dhexe waxaa dheer dhaqaale kale oo ay ku kabaan golaha Deegaanka Gabiley iyo Maamulka Degmada Wajaale. Gudoomiye shiine ayay bulshada reer gabiley ku tilmaamaan mid kaliya gobolka u jooga sidii uu u sugi lahaa kursi wasiirnimo inta uu gabiley joogana doorbidaya sidii uu hanti u urursan lahaa waxyaalaha uu sida ilo xogogaalihi tibaaxeen waxa uu isku dayay Badhasaabku in uu iibiyo waxaa kamid ah, garoonka kubada cagta ee magaalada Tog wajaale kaasi oo markii la ogaaday ay xubno wasiiro ah dayr kusoo wareejiyeen halkaasina uu kaga badbaaday iibkii uu maaganaa badhasaabku iyadoo markii danbe arintani galaafatay gudoomiyiihii hore ee wajaale Mr Xaashi Qorshayaasha Gudoomiye Shiine sidaasi kumay staagin wuxuse xiligan orod ugu jiraa Sidii loo iibin lahaa Saldhiga Wajaale iyo xarunta dawlada hoose isagoo soo jeediyay in meel kale loo dhiso halkana laga iibiyo ganacsatada qorshayaashan iyo qaarkale oo aan wali soo shaacbixin ayaa dhamaan ah kuwo Gudoomiye Shiine ku radinayo dhaqale uu ka helo Gobolka Gabiley.
Iyadoo si qoto dheer diirada u saari doono dhaliilaha muga leh ee ka muuqda xilkii uu igmaday Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo balse si aad ugu aragtaan dhaliilaha dulhoganaya badhsaabka Gobolka Gabiley aan hoos ugu dhaadhacno ;Gudomiyha Gobolka Gabiley waxaa lagu tilmaamaa mid socod barada oo ay hogaamintiisu curin lahayn oo aan waxna soo kordhin sidoo kale waxaa lagu tilmamaa masuul aan dareen wadaniyadeed lahayn kana dhiidhiyin si deg degana uga jawaabin qaladaadka hortiisa ka dhaca Inkasta oo ay miisaniyada Golaha Deegaanka Gabiley ugu dareen kharash gaadhaya 15milyan bilkasta waxaa marag madoona in aanay badalkeedii bulsha waynta Gabiley ka helin gaar ahaan uu ka gaabiyay daba galka iyo kormeerka xafiisyada wasaaradaha iyo hayadaha dawlada oo intooda badan xafiisyadooda aan la furin, ;Sidoo kale magaalo ganacsiga Wajaale waxuu ka helaa kharash gaadhaya 5milyan bill kasta oo itaalkeeda ku culus waxayna bulsha waynta Tog Wajaale iswaydiinayaan waxqabadka Badhsaabka Gobolka Gabiley ;Badhasaabka Gobolka Gabiley waxaa si gaara loogu dhaliilaa laguna tilmaamaa masuul karti yar oo ka gaabiyay in uu xidhiidh maamul iyo wada shaqayn la yeesho maamulada xuduudaha ee gobolka au xuduuda wadaagaan ee dhanka Itoobiya ;Badhasaabka Gobolka Gabiley waxay dad badani ka aaminsan yihiin masuul indhaha ka qarsaday kana gaabiyay caawinta beeralayda iyo xoola dhaqatada colaadaha sokeeye uga soo cararay deeganada Waqooyiga Gabiley sida Seemaal,Ceelbardaale iyo Buqdhada ;Badhasaabka Gabiley waa masuulka kaliya ee deegaanka uu xukumo ku tilmaamay meel laga ducaysto markii loo soo magacaabayna aad looga dardaar wariyay balse Akhristayaasha ayaase sheegi doona bulshada Gabiley iyo Badhasaabka Mustafe SHiine midka duco mudan Si kastaba ha,ahaatee Afcaashan lidka ku ah habsami u socodka shaqo ee uu Caadaystay badhasaabkan Gabilay ayaan jirin wax daba gala oo kaga yimaada Dhinaca xukuumada dhexe ama Madaxweyne Siilaanyo Taasi oo hadii aan wax laga Qaban maamulkaa tabcaanka ah gabi ahaanba meesha kasaarasa in ay bulshada ku Dhaqan Gobolka Gabilay aanay helin adeegyadii bulsho ee ay xaqa u lahaayeen. WAJAALENEWS STAFF EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM LASOCO QORMOOYINKEENA DANBE Related posts:Kormeerka Wa Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL oo karmeer shaqo kutagay wadad barbera iyo hargeisa wa... DAAWO :Dadka Dega Deegaanka Ceelasha Biyaha Botor Oo Dareen Cadho leh ka Muujiyay Talaabada Ay Maam... Waxaan Tabayaa Kaalintii Sagaal Sanno Ka Hor Ay Warbaahintu Ku Lahayd Dardar Galinta Geedi Socodka ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|