Dhacdo Layaable; Salaadii Jimce : Janno Ayaa Iga Dagantay!Iyo Amb. Kaysar Cabdilahi Maxame, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdo Layaable; Salaadii Jimce : Janno Ayaa Iga Dagantay!Iyo Amb. Kaysar Cabdilahi Maxame,
September 5, 2015 - Written by Editor:

Waxay ahayd xilli uu Khadiibkii Jimcuhu isu taagay akhrinta Qudbada Jimce iyada oo Markaas uu noo dhamaaday Tafsiir aad u macaan oo Suurto Al-Kahaf aayado ka mid ah uu Qalbiga noogu qaboojiyay. Markii uu Sheekhii Jarranjarradii koray ee aanuu Khudbadiisii oo Arrimaha Xajka ku saabsanayd aanuu weli saani u gudo gelin ayaa qiyaas ahaan Nin da’ahaan 45 ilaa 50 jir u dhexeeya uu intuu dadkii soo dhex maray uu Iimaamka hortiisa istaagay ka dibna waxa uu Jeebada kala soo baxay Waraaq balaadhan oo uu ku sawiran yahay Nin Ololaya oo holcaya waxaana waraaqda ku hoos qornaa Mohamed +Ramadan.. Cod dheer oo Af Faransiis ahna Af-labadii ayuu yeedhay!

JANO

Yaabay oo Amakaagay waanan fahmi waayay waxa uu ninkani la qaylinayo, ninkan oo Carab inuu yahay iila eekaa waxaan is idhi malaha Sawirkani waa kii yaraa ee Dalka Tuuniisiya isku gubay ee uu gugii Carabtu uu ka bilaabmay ee Xusni Mubarik iyo Colkiisii lagu riday oo wuxuu rabaa malaha in loo duceeyo! Mar kale waxaan is idhi ninkan Qudbad badhtankeed ka kacay rabshad iyo Akhlaaq xumo ayuu wadaa… calaa ay xaal dhawr qof oo ka ag dhawaa ayaa garbaha qabtay oo Banaanka u saaray iyaga oo Ciidanka Boliska oo hubaysan oo Masjidka hor taagnaa u dhiibay.

Intii aan ninkaas Banaanka loo saarin ayuu Jeebada gacanta intuu geliyay uu buqshad waraaqo ah soo saydhay.

Salaadii markii la tukaday ayaan dadkii ninkaas qabtay aan waraystay waxaanay ii sheegeen inuu Ninku Nabigeenii Suubanaa Naxariisi korkiisa ha ahaatee uu aflagaadaynayay.

Bolisku waxay ii xaqiijiyeen in ay u gudbiyeen qaybaha kale ee Booliska caadiga ah sharcigana la marin doono.

Wallee Luuqda Faransiis waa inoo Lixda bilood ee soo socota Hadii Allah Qadaro.

Ma taasaa Jafaalna uu Baqal usoo fuulay.

Allahayow Dalkayagii Hooyo noo Barakee oo nagu Nabad Celi. Aamiin

Amb. Kaysar Cabdilahi Maxamed

COMMENTS
LINKS