Dawladdaha Somaliland iyo Ethiopia Oo Diridhaba Ku Kala Saxeexday Heshiis Dhinacyo Badan+ Qorshihii Wabar Oo U Muuqda Mid Soo Af Xidhmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladdaha Somaliland iyo Ethiopia Oo Diridhaba Ku Kala Saxeexday Heshiis Dhinacyo Badan+ Qorshihii Wabar Oo U Muuqda Mid Soo Af Xidhmay
September 20, 2015 - Written by Editor:

Diridhaba(Wajaalenews)- Shir maalmihii ugu dambeeyay dawladda Somaliland iyo dawladda Ethiopia uga socday magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia ayaa sabtidii laga soo saaray qaraar labada dal kala saxeexdeen oo ku aadan ammaanka iyo isu socodka labada bulsho.

Heshiiskan ayaa la rajaynayaa inuu wax ka taro maleeshiyadda Suldaanka Somaliland ka falaagoobay ee Suldaan Wabar ku haysto xuduudka Ethiopia iyo Somaliland ee buuralayda Awdal ku beegan, halkaasi oo uu dhinaca Ethiopia ku sugnaa muddooyinkii u dambeeyay. Ethiopia oo dalkeeda u ogolaan weyda kooxdaasi iyo kuwa la nooca ah ayaa Somaliland qiimo ugu fadhiyi doonta.

Heshiiska ayaa ku saabsan iskaashiga labada dhinac ee dhanka ammaanka iyo isu socodka, iyadoo labada dhinac ku heshiiyeen inaan cid Ethiopia cadow ku ahi joogin ciida Somaliland, sidoo kalena cid cadow ku ah Somaliland aanay joogin carriga Ethiopia.

“Wuxuu heshiiskani wax u tari doonaa dadka walaalaha ah ee isku dhaqanka ah ee isku diinta ah ee ilaa intii dunidu jirtay walaalaha soo ahaa, maantana ah, barina ahaanaya, inay dantooda ka wada shaqeeyaana ku qasban. Markaa waxaan leeyahay wuxuu heshiiskani inshaa Allah si fiican wax uga tari doonaa in Cadow dawladda Soomaalida Ethiopia iyo guud ahaan Ethiopia ahi aanu degaanka Somaliland joogin, sidoo kalena cadowga calanka Somaliland aanu degaankaygan iyo kan Ethiopia ba joogin, taasaanu wax ka tari doonaa,” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynaha dawlad degaanka Ethiopia oo shirkaasi dhammaadkiisa ka hadlay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo isna ka hadlay gabogabadii heshiiskaasi ayaa yidhi “Runtii maanta waxaa inoo bilaamay heshiis wada shaqayneed oo iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya oo waxtar weyn u ah isu soo dhawaanshaha dawladdaha labada dhinac iyo shacbiga labada dhinac. Waxaanu qabnaa inay wax weyn ka tari doonaan guddiyada aynu magacownay oo ay shaqo maalin leh ah qaban doonaan, wax kasta oo dhibaato ah oo yimaada ha yaraato ama ha weynaatee inay guddiyadaasi si toos ah u wada shaqayn doonaan, wixii ku adkaadana ay madaxda sare u soo celin doonaan laakiin, aan ku kalsoonahay in badhasaabada iyo ragga arrimahan loo xilsaaray ay arrimahan si fiican uga shaqayn doonaan oo dhammayn doonaan.”

Shirka heshiiska lagu kala saxeexday waxaa goob joog ka ahaa wasiirudawlaha arrimaha dibadda Ethiopia, Taliyaha Ciidanka Koonfurta iyo bariga Ethiopia iyo madax kale oo dawladda Ethiopia iyo maamulka Soomaalida Itoobiya ka socday, halka Somalilandna badhasaabo, wasiiro iyo masuuliyiin kale metelayeen.

Kulamadan ayaa u muuqda kuwo kor u qaadaya xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland oo dhawaan madmadow soo galay kadib markii Ethiopia dalkeeda u ogolaatay Suldaan Wabar oo caddeeyay inuu Somaliland dagaal la galayo.

COMMENTS
LINKS