Dameerkii Nacay Magaciisa Ximaar,Ee Qorta Soo Sudhay Kaluun.Wax Ka Dhigan Raga Ku Hirdamaya Kulmiye Ee Boodhku Qorta U Sudhan Yahay.By:Amiirka M.Gaadhane. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dameerkii Nacay Magaciisa Ximaar,Ee Qorta Soo Sudhay Kaluun.Wax Ka Dhigan Raga Ku Hirdamaya Kulmiye Ee Boodhku Qorta U Sudhan Yahay.By:Amiirka M.Gaadhane.
September 9, 2015 - Written by Wariye:

Bismillahi Raxmani Raxiim S/c Ku soo dhawaada maqalkan.waxan qoray laba malmood ka hor,dad badan ayaa i soo waydiyay,in aan sharaxo qisada Ximarka.waxad kala socon doontan geba-gebada.

Qofku hadu damco in uu hadlo ama qoro,haka fekero hadalkiisa.haduu u arko,in uu maslax yahay ha hadlo.haduu ka shakiyo ha Aamuso”Imam Shafici Rc,,.Imisa qoys aya ku kala tegay hadal?imisa saxiib aya ku burburay?Imisa Dawladood ama kooxood ayaa ku dagalamay oo dalkii  iyo bulshadii duntay?hadaba kelmadu waa Ama’ano,noqo markasta qof Run sheege ah oo waqiciya,oo aan Amaanta kula deg degin siyaasiga Damaca leh.

Qoraalada iyo hadalada ka baxa bulshada,waxaan dareema in Bulshadu isku aburto Keligii taliyaha.
mareegaha waxaad kala kulmay,qoralo iyo hadalo qayral caadiya,oo lagu amaa-nayo siyaasi damac leh oo ka soo jeeda xukuumada iyo xisbi Xakimka kulmiye.waxa laga yaaba in aad nacdo qof aad hore u jeclayd,lagana yaabee in aad jeclaato qof aad hore u nebcayd.sida awged ka fejignow in aad kula deg degto amaanta Nin ujeedo kaa leh.

siyaasiga maalin Irbad dhuub geliya,waxuu jecelyahay in uu ku faano ama lagu amaano.xikmadu waxay ku jirta waxii aad qabatay qabatay iska ilow,waxa dhiman wax ka qabasha-dooda.waxay ka mid tahay dhaqan xumada,Bulshadu ku baratay xukumadan siilanayo(i maqlaay iyo i arkaay).iyaga oo adeegsanaya mid inaga mid ah,oo cadifiyad qabiil,ama mid xisbi,ama hunguri xumo qaaday.

Xukuumad kala socota,Xisbi xakim kala socda,Xukuumad iyo Xisbigeedii oo kala socda,intuba waa calaamado muujinaya Dawlad Xumada inagu habsatay.waxaad maqlaysa oo maanata dhegaheenii ka batay hebel waa garabka Muse Biixi,hebelna waa garabka Yonis biixi,Hebena waa garabka xirsi, Hebel waa garabka Dulista hawada,Hebel waa garabka Maama Weris,oo beenow odaygii Aaway?qoodhaa-iyo xeradaa ma waxaas ayaa Dawladnimo ah?Xukumadii dhamayd waa garabo!garabo.

Waxan jeclahay aniga oo ujeedo leh,in aan ku soo halqabsado sheekoyin kale.hadaba sheekadan ku dhacday Dameerka(Al-Ximaar)ila dhuuxa.

Qisadii Dameerka.
Waxa layidhi Dameer ayaa nacay magaciisa(Ximaar).wuxu ka fekeray magaca uu ku bedeli lahaa, wuxuu ku bedeshay Kaluun.waxuu soo qaatay boodh uu ku qoray magaciisa cusub ee(Kaluun).
waxuu soo galay kayntii,nasiib daro magacii cusba looguma yeedhin,lakiin magcii  hore logu yiqiin ayaa loogu yeedhay(Yaa Ximaar).waxuu yidhi layma yidhahdo Ximaar,ee waxa lay-yirahda Kaluun.
Boodhkan akhriya ii sudhan qoorta.

Habr-dugaagii waxay yirah deen,anagu waxaan kuu naqaan Ximaar,weligana lagu odhan jiray.wuu cadhooday wuuna ka tegay,waxuu sameeyay aag bedelasho,aagii cusba waxu kula kulmay Dayeer.
Dayeerkii waxuu hadal ugu soo horaysiiyay,waar Kaluun xagee ka timid.waxuu yidhi waxan ka imid aaga Hawdka,waxan ka soo cadhoday Dur-joog xun-xun,wayo aniga oo Kaluun ah ayay iigu yedhan yaa Ximaar,yaa Ximaar,yaa Ximaar.

Dayeerkii waxuu yidhi, Aniguba waan yaabay,waxaan lahaa Kaluun kii maxaa ka soo saaray Baddii. markaa Duurjoogtu denbi ma leh,waayo waxay ogyihiin in Kaluunku ku nolyahay Badda,Berigana aanu ku noolan karin.sidaa awgeed waa in aad Kaluun yahow,ku noolatid Baddii aad ku noolayd,si lagugu yeedho Kaluun.Dameerkii intuu ciyay!oo ciyay!oo farxay,ayuu orday ilaa uu ka galay Baddii oo ku qaraqmay.ujeedada qisadani waxay ku cadahay Gebo-gebada Maqalka.

Gebo-gebo:
Waxan ognahay in Xisbiga Kulmiye,yeeshay Musharaxiin bulshadu ogtahay,iyo kuwo aanay ogeyn.
Nin waliba waxuu leeyahay,damac weyn oo siyaasiya.qoorta waxa u sudhan boodh,lagu xardhay Musharax.waxa muhim ah in lays waydiiyo:Ujeedada Boodhka ka danbaysa maxay tahay?Qoorta yaa Boodhka u sudhay?maxay ku danbayn Musharixiintu?kuma iyo kumaa Badweynta siyaasada ku qaraqmi doona?Kumaa ka badbaadi doona Qaraqa?Xisbiga Kulmiye ma ka badbaadi doona Bur-Bur?dhibi ma inooga iman kartaa khilafka kulmiye?Goormuu dhaman doona khilafku?Dorasho ma qabsomi doonta?

Amiirka:Muse Gaadhane.

Birminham UK.

COMMENTS
LINKS