|
|||||
WAJAALE NEWS
“Dalkii Qas Baa La Galiyay,Fawdaana Lagu Abuuray,Madaxweynaha Iyo Madaxtooyadda Ayaa Masuul Ka Ah….” Xil. Ayaanle
September 12, 2015 - Written by Editor:Hargaysa:(Wajaalenews)- XIL. Axmedyasiin Sheekh Cali Ayaalnle oo ka mid ah Xildhibaanadda Xisbiga KULMIYE ee Muxaafadka ah,ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay Dalka Qas iyo Iska Hor-keen ka waddo.Waxa Sheegay In Waxii Maanta ka dhacay Gollaha Wakiilada ay Xukuumaddu ka masuul tahay,isla-markaasna ay Baal-madaw ka gali doonto Taariikhda Siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo. “ Dalkii Qas baa la galiyay,fawdaana lagu abuuray,Madaxweynaha Iyo Madaxtooyadda ayaa Masuul ka ah, Xukuumaddaa Masuul ka ah.Waxaad ka war qabataan Xaamihii Shidaalka ee Magaaladda Berbera ee ay Umaddani lahayd ee ahaa Kaydkii Shidaalka Qaranka loogu kaydinayay ee Hantidda Maguurtadda ah oo uu Madaxweyuhu Markii uu Taladda Dalka qabtay Ku faanayay inuu ka wareejiyay Gacantii iyo Shirkaddii gaarka ahayd ee TOTAL inuu maanta uu Madaxweyuhu u badheedho oo uu yidhaahdo gacan gaar ah ayaan dib-ugu-celinayaa,taasi waxay Umadda ku tahay Laf jab,Magaciisa ayay dilaysaa,baal madawbaa Taariikhda Siyaasadeed ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta galay.Waxaanu sidaas u leenahay,waa Hantidii Umadda oo la-boobayo oo lagu boobayo is-la Hantidii Umadda. Waxaan u arkaa Nasiib-darro Weyn oo qarankii ku dhacday. Gudoomiyuhu waxa uu waafajiyay Saaka Xeer-hoosaadka Gollaha Wakiiladda sida uu Sharcigu ka qabo,sidaas sharcigu ka qabay ayay u dhacday,Waxay Sugi kari la’yihiin Hanti Boobka Umadda Halkay ka marayaan Kal-fadhiga Kan Ku Xiga Inay La Sugaan haddii ay Mooshin Sharci ah hayaan”. Ayuu yidhi Xil. Ayaanle COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|