Dagaallo Khasaare Nafeed Sababay oo Mar kale Maanta ka dhacay Degmada Caabud-waaq | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaallo Khasaare Nafeed Sababay oo Mar kale Maanta ka dhacay Degmada Caabud-waaq
September 9, 2015 - Written by Editor:

CAABUD WAAQ(Wajaalenews) Ugu yaraan Afar Ruux oo ka mid ah dhinacyo ku dagaalamay maanta degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay ku dhaawacmeen dagaalka toban ruux oo kale.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidammo ka kala tirsan Ahlusunna iyo Galmudug oo isku haya gacan ku haynta degmadaas, iyadoo Dhinacyadan uu dhinac Walba ku eedeynayso kooxda kale inay iyadu weerarka kusoo qaaddady.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in shacabkii degmadaas ku noolaa ay intooda badan ka barakaceen, iyadoo haatan ay xabbadu hakatay, balse ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan.

“Afar qof ayaa dhimatay inta aan arkay, waxaana dhaawacmay 10-qof oo kale, kuwaasoo u badan dhinacyadii hardamayay. Way jiraan in dadka qaarkood ii sheegeen in khasaaruhu intaas ka badan karo,” ayuu yiri Goob-jooge ku sugan Caabud-waaq oo Warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladda Caabud-waaq ay aad u kacsan tahay, ayna xoogag kala duwan soo galayaan degmada, inkatsoo aanay weli ka hadlin dhinacyada dagaalamaya dagaalkan maanta dhexmaray.

Wararka ayaa Waxay Sheegayaan in Ciidamadii Dagaalladu u Dhexeeyeen ay weli ku kala sugan yihiin goobihii ay horay ugu kala sugnaayeen, balse ay jirto cabsi ah in dagaallo kale ay dhexmaraan.

Dagaalkan ayaa daba-socday iska-horimaad shalay ka dhacay degmada Caabud-waaq oo shalay lagu weeraray Wasiirka Ganacsiga Galmudug, Cabdiladiif C/llaahi Warsame oo maalin ka hor tagay degmadaas, dagaalkaasoo ay ku dhinteen laba qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

 

COMMENTS
LINKS