DAAWO;Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin Oo Maanta Dib Xoriyadiisii U Helay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin Oo Maanta Dib Xoriyadiisii U Helay.
September 5, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews )-Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin ayaa maanta dib Xoriyadiisii  u helay ka dib markii Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Xabsiga  u taxaabeen mudo laga Joogo 11 Cisho isla markaana ku xidhnaa Saldhiga Kood-Buur ee magalada Hargeysa

 

Suldaanka Oo Warbaahinta la Hadley Markii Xabsiga laga Siiyey isaga iyo Xubno kale oo xabsiga kula jirey  ayaa waxaa

Suldaanku waxaa mahadnaq balaadhan u direy Cidkastoo ka dhiidhiday Xadhigiisa iyo sidoo kale Bulshadii Tirada badnayd ee sida Muga iyo Miisaanka leh Uga qayb qaadatay  Xafladii lagu caleemo saarey

 

Sidoo kale Waxaa isna Soo daynta Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin  ka Hadley Sul.Xiis ismaaciil Abiib oo kamida Salaadiinta faca-weyn ee Beesha Bariga Hargeysa isagoo isla markaasi aad ugu Suldaanka Cusub ugu hambalyeeyey Cafiska uu cafiyey intii ka soo horjeeday ee hadimada u maleegaysay isagoo isla markaasina ugu baaqay in dhamaan beeshuna ku garab gasho cafiskaas iyo samahaas uu Suldaan Saxardiid hada horseedka ka noqday

 

Gaba-Gabadii Waxaa Halkaasi Hadalo kala duwan oo Duco iyo Hambalyo ah ka jeediyey Cuqaal,Waxgarad kala duwan ku waasi Oo dhawaaq dheer ku sheegay in ay Suldaanka Hiil iyo Hooba la garabtaagan yihiin isla markaana ay aad ugu Xunyihiin Xadhigaasi Xaqdarada ah ee Xukuumadu kula kacday .

 

 

COMMENTS
LINKS