DAAWO;Boqor Axmed Badmadow Oo Luuqadii Ugu Adkayd Kaga Jawaabay Hadalo Gef ah Oo Boqor Buurmadow Kula Dul Dhacay Beesha Sacad Muuse. Muxuuse ka Yidhi Xadhiga Suldaan Mawliid Sabayste.? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Boqor Axmed Badmadow Oo Luuqadii Ugu Adkayd Kaga Jawaabay Hadalo Gef ah Oo Boqor Buurmadow Kula Dul Dhacay Beesha Sacad Muuse. Muxuuse ka Yidhi Xadhiga Suldaan Mawliid Sabayste.?
September 20, 2015 - Written by Editor:

Shaqadii Udanbaysay Ee Buur madow Hayay Waxay Ahayd Shidaalkii Uu Xuutiyiinta Berbera Uga Raraysay ” Ma Shidaalkii Ayaa Habar Awal ku Soo Afgo,ay”BADMADOW

HARGAYSA(Wajaalenews) Boqor Axmed Maxamed Xasan  (Badmadow) oo kamida Madaxdhaqameedka somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadalo deelqaafa oo kasoo yeedhay boqor Cismaan Buur madow oo mudooyinkii udanbaysay caadaystay cayda iyo aflagaadada Beesha Subeer Awal.

Boqor Axmed  Boqor Badmadow oo maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada hargaysa ayaa wuxu jawaab Kulul Siiyay  Boqor Cismaan Buurmadow waxa kale oo uu ka hadlay Xadhiga ay xukuumadu kula kacday  Suldaan Mawliid Cali Ibraahin Sabayse oo dhawan xukuumadu xabsiga u taxaabay

dhanka kale boqor madmadow ayaa Wuxu sheegay in aan marnabada beesha uu kasoo jeedo Boqor Cismaan buurmadow Aanay ka gaadhaynin wax aflagaado ah ayna siyiin reer aanu waxbadan wadaagno wax aflagado ahina naga gaadhi mayso adigase waxaan ku leeyahay.

Ma shidaalkii aad Xuutiyiinta berbera uga raraysay ayaa Habar Awal ku soo afgo,ay

“buurmadow waxaan u sheegayaa hadii qofka koriinkiisa hore wax ka qaldamaan reerka uu sheegtana Ceebbuu ku yahay ku uu Aflagaadeeyana wuu nijaaseeyaa,

Xukuumada waxaan leeyahay hadaad suldaan mawliid siidaysaan iyo hadaadsii daynwadaanba waa idinku dhib,

 

 

 

COMMENTS
LINKS