|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO: Munasibadii Ciidal Udxa Ee Magaalada Berbera Oo Markaliya Jawigu Isbadalay Iyo Weji Gabaxii Cali Gadheer+Isqarintiin Cali Dhagoole+foodhidii Dadweynaha
September 24, 2015 - Written by Editor:Berbera(Wajaalenews)-Wasiirku Xigeenada Xanaanada Xoolaha Iyo Wershedaha Ayaa Salaadii Ciidal Odxaha Kala Qaybgalay Dadweynaha Reer Berbera, halkaasoo Markii La Tukaday Salaadii Ay Isku dhaceen dadweynihii tukanaayey iyo Wasiirku Xigeenadani. Kaddib markii ay Wasiiraddu isku dayeen inay dadka la hadlaan, waxana arrinta gabi-ahaan-ba waxa diiday dadkii salaada tukanayey, oo wasiirada u diiday inay fagaaraha kala hadlaan, waxana mar qudha meesha is xidhay sawaxanka iyo qaylada orta ah ee dadweynaha kasoo yeedhey. Waxanay markii danbe isku bedeshay Mudaharaad sal-balaadhan oo saamiyey Magaalada Berbera. Xiisadan saaka ka dhacday goob lagu cibbaadeysanayey ayaa noqon doonto mid dadweynaha Reer Saaxil dareenkooda ku muujinayaa, taasoo ay u calaamad-san tahay cid kasta oo taageersan ama ololle ugu jirtaa in Haamaha Keydka Shidaalka Berbera ka baxdo gacanta Xukuumadda Somaliland. Labadan wasiirku-xigeen ayaa magaalada Berbera u joogay sidii ay usoo abaabuli-lahaayeen Odayaal waji-ku macaasha ah oo taageera Wareejinta Haamaha shidaalka Berbera, oo muddooyinka Murankoodi samada isku shareeray. Waji-gabaxa wasiirku xigeenada ayaa ka danbeeyey kaddib markii dhowaan ay labadaasi masuul sheegen, inay Xukuumaddu wareejineyso Haamaha Shidaalka Berbera. Weedhahaasoo gadoodki riday shacabka reer Somaliland yar iyo weyn. Related posts:Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xubnaha Guddida Anshaxa Iyo Xallinta ... Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Qaranka Jsl Oo Kormeer Ku Soomaray Fadhiisimaha Ciidamada Ee Ku Sugan ... Daawo:Madal Ay Xukuumadu Ku Soo Casuuntay Faysal Cali Waraabe Oo Uu Kaga Hadlay Wax Aanay Ka Filayn ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|