Ciidamada Ammaanka Masar Oo Dalxiiseyaal Mexican Ah Laayay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Ammaanka Masar Oo Dalxiiseyaal Mexican Ah Laayay.
September 14, 2015 - Written by Wariye:

masarQaahira(Wajaalenews):-Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar ayaa sheegeysa in 12 qof oo ay ku jiraan dalxiisayaal u dhashay dalka Mexico si khalad ah loogu dilay hawlgal ka dhan ah mintidiinta oo milatariga iyo booliska dalkaasi ay ka fuliyeen lama degaanka ku yaal galbeedka dalkaasi.

Bayaan ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalxiisa-yaashu ay ku sugnaayeen dhul ka caagan in la galo. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa ay sheegtay in dalxiisayaasha u dhashay dalka Mexico ay ku safrayeen kolonyo baabuur ah.

Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban boolis iyo milateri ayaa xilligaasi waxa ay goobta uu shilka ka dhacay ku baacsanayeen kooxo mintidiin ah. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ciidamadu ay si kama ah u bartilmaameedsadeen dalxiisayaashani oo ku sugnaa aag ka caaggan in la galo, waxaana la billaabay baadhitaan ku aadan arrintaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda waddanka Mexico ayaa xaqiijiyay dhimashada laba ka mid ah muwaadiniintooda oo ku dhintay weerarka iyo dhaawaca lix kale, kadib markii kolanyada ay la socdeen la beegsaday. Waxa uu sheegay in shaqaalihiisa khaarajigu caawinayaan ehelada dadkii dhintay.

Madaxweyne Enrique Pena Nieto ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku cambaareeyay shilkan, waxaanu sheegay in diblamaasiyiin ka mid ah shaqaalihiisa Masar ku jiraan kuwa dhaawacmay.

Lamadegaanka ku yaalla galbeedka dalkaasi ayaa caan ku ah dalxiisayaasha balse sidoo kale waa meel aad u soo jiidata kooxaha mintidka ah.

Waana halka laga galo xudduudda dheer ee dalkaasi uu la wadaago dalka Liibiya, halkaas oo hubka uu aad ugu badan yahay.

Shalay oo Axad ahayd ayaa kooda Dowladda Islaamiga ah ee dalka Masar waxa ay sheegtay in ay iska caabisay hawlgal milateri oo ka dhacay dhulkaasi saxaraha ahi. Sidoo kale koox sheegatay in ay xiriir la leedahay kooxdaasi Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay in ay ku sugun tahay aagaasi oo u dhow xudduuda dalka Liibiya.

Inkastoo kooxaha kacdoon wadayaasha ahi ay inta badan weerarro ku bartilmaameedsanayeen booliska iyo milateriga ku sugan gacanka Siinaay, haddana waxaa u suurtagashay in ay weerarro culus ka geystaan lama degaanka ku yaalla galbeedka dalkaasi Masar.

Ugu yaraan 21 askari ayaa halkaasi lagu dilay bishii Luulyo ee sanadkii tegay kaddib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ciidamadu u tiilay jid-gooyo.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS