Caqligii Dhalinta Somaliland Musharixiin Ayaa Marin Habaabisay Oo Bohol Ku Riday!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caqligii Dhalinta Somaliland Musharixiin Ayaa Marin Habaabisay Oo Bohol Ku Riday!!!
September 17, 2015 - Written by Editor:

MUSHARIXIINTA BEESHOODII LABA U KALA JABIYAY SOMALILAND MA KABI KARAAN?

Loolan Xoogan oo u Dhexeeya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Biixi Yoonis,Oo Hargeisa Ka Socda……………………………….

muuse iyo maxamed biixi

Indhawaydba Waxaa Hargeisa ka socda loolan xoogan oo u dhexeeya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Biixi Yoonis, iyadoo labaduba u hanqal taagayaan iney iska sharaxaan xisbiga kulmiye. Hadaba labadan musharax ayaa waxaa labaduba kala jabsadeen dhalinyaradii beeshooda, marka aad eegtana midna kuma socdo qorshe habsami wanaag ah leh, oo mid waliba waxaa garab ka dhigtay oo isku xeeray jifadiisii ama beeshuu kasoo jeeday. Arintaasi waxay dhalisay in aay kala jiitaan dhalinyaradii beesha sacad muuse oo iniba dhinac u safan tahay waana isla iyagii ee ogoow. Ayaan darida jirtaa ee intaas dheer ayaa ah in aan dhalintaasi aay yihiin kuwo aan dalka iyo dadka qaar dan u ah in aanay ahayn sababtoo ah dhalintaas labada garab ku kala raran ayaa ah qaar mid waliba uu eryanaayo dan shaqsi ah labada hogaan ee kala taageerayaana mid waliba dhalintiisa dhegta ayuu wax u saaray oo ugu balan qaaday. Ma jirto haba yaraatee dhalinyaradaas qaar ka mid ah oo hiigsanaya horumar suuban oo dalka iyo dadka anfac u leh kumana haminayaan waxaa kaliya ee u jeedadoodu tahay ee hagayaa waa mashaariic iyo hanti lunsi isla sacadaas xisaabteeda isku sii qaracayaan oo sii xisaabsanayaan.

Gaariyaa waxuu yidhi; Halkuu duro qaniinyada

Doolli baa afuufee,

Duurxulkaa igaga kulul

Daannada i gaadhoo,

Cudurdaar waxaa jira

Dakharadaad qabtee hore

Cay kuugu sii

 

Maanta labadaa musharax ee umada codka ka rabii waa kuwaa caqligii dhalinteena ka yeelay eber ee aay yeelan waayeen caqli wax ay ku miisamaan oo ku qiyaasaan iyagoo eegaya waxii dan u ah dadka iyo dalkaba lakiin caqligoodii ka yeelay hunguri iyagu ku qadhaabtaan oo midba dhinac dhalintii cudooneyd ee la rabay ineey dalka u kacaan ka yeelay xoolo midiba dhinac u dareersaday. Subxaanalaah! Waa masiibo qaran oon ku koobnayn kaliya labadan musharax beelahoodee lakiin dhami dalku ka wada simanyahay waxaana tusaale idinka dhigayaa maanta xisbiga wadani wataa beesha habar yoonis ka daba qufacaysoo dalkii shuruucdiisii dumis ku dhowdahay markii nin dan leh reer kudaba fayleen.

Maanta shalay ayaynu ka ayaan badnayn maantase ilaahay inuu faraj inoo bixiyo mooye kuwo is bixinaya iyagu uma eekin mana hayno wadadeedii. Shalay qaran ayaa lagu dhimanaayay iyo magac oo wax walba looga tanaasulaayay lakiin maanta waxaynu nahay umad dhan oo dalkodii iyo dhaxalkoodii qaar wada dilaalaya oo aanay dani midayn doolar jeebkooda ku dhaca mooyee.

Dulucdeedu waxay tahay;

Ha ka uriso meel daran

Hal diiddani maqaarkee,

Dacarow, waxaa run ah

Hadday riyi dub leedahay

Dabaday ku qarin layd

Dadna barasho uma hadhin!

MAQAALKAN WAXAAN KUSOO KOOBAYA HADALKU YAANU ILA SII TARAARIXINE, MUSHARIXIINTA BEESHOODII LABA U KALA JABIYAY SOMALILAND MA KABI KARAAN ILAYN WATAA MAANTA KUN QAYBOOD UKALA JABTAYE?  WAXAAN KAGA BAXAYAA TIXDII DABA-taxman EE gaariye uu lahaa Alle ha u naxariistee; Maantana deyaankiyo

Ha ka doonnin meel dheer

Digta kuu baxaysee,

Kala-daadsanaantiyo

Habkii duunyo dhaqatada

Iyo kala-dambayntii

Lagu dayan lahaabaa

Isku kay dul haystoo

Jeer oo dad aan helo

Dawladnimada hanan kara,

Daw baan u leeyahay

Inaan dabada giijee,

Kuumaan dardaarwerin

Kuuna dayrin maayee

Wuxuun baan ka digayaa

Inaanu u daruurayn

Cirka aad inuu da’o

Ku ducee i leedahay

QALINKII ADEN DEEQ

COMMENTS
LINKS