Axmed Siilaanyo Hogaamintiisa Waxaynu Ku Qiimayn Doonaa Inu Beeshiisa Xakameeyo Iyo Inu Waxwalba Iyaga Usii Daayo. Cawil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Axmed Siilaanyo Hogaamintiisa Waxaynu Ku Qiimayn Doonaa Inu Beeshiisa Xakameeyo Iyo Inu Waxwalba Iyaga Usii Daayo. Cawil
September 22, 2015 - Written by Editor:

Waraysi Wasiirkii Hore ee Maaliyada Xusen Cali cawil Duale (Cawil) july 2010kii

Dib U MILICSO waraysi xiiso badnaa oo Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Xusen cawil ducaale waraysi uu siiyay warbaahinta oo xambaarsanaa talooyin badan oo uu siiyay silaanyo oo xiligaa soo magacaabay gudi katalisa xukuumada uu soo dhisi doono mudo yarna ay ka hadhsanaayeen xiliaga uu xilka la wareegi doono madaxweyne silaanyo.

Danjire Cawil

Waraysigan oo ay kasoo wareegtay mudo shan sano iyo badh ah ayaa ANBASADOR Cawil oo xiligaa ahaa wasiirka wasaarada maaliyada su,aal ahayd rajada uu kaqabo hogaaminta madaxwaynaha cusub ee somaliland iyo talooyinka uu siin lahaa kaas oo safiir cawil kaga jawaabay qiraal badan oo shan sano kabacdi ay qabaan bulsho waynta soomaaliland taas oo ku salaysan xaga qabyaalada in badan oo imika bulshada kamid ahina ku xantaan madaxweyne silaanyo oo ah in uu soo dhawaeystay beesha uu kasoo jeedo.
Hadaba su,aashan ayaa u dhignayd sidan:
Axmed Siilaanyo waa la doortay, hogaamintiisa rajo intee leeg ayaad ka qabtaa, maxaadse kula talin lahayd?

Waxaan kula talin lahaa waxa jira Afrika marka Madaxwayne la doorto waxa had iyo jeer lagu qiyaasaa oo lagu qiimeeyaa mudada ugu horeysaba inuu beeshii ugu badnayd ee gacan siisay ee beeshiisa ahayd inuu xakameeyay iyo inuu wax walba u sii daayo, marka Madaxwayne la doorto Madaxwayne umadeed ayuu noqday beel wuu ka gudbay, beeshu waxay ula socotaa inuu khasaare u keeno, haddii Madaxwaynaha la doortay odhan waayo beeshsii oo odhanaysa waanu ku dooranay oo lacag-baanu soo gurney waanu ku taageernay, waanu kuu dagaalanay shantaa sanmadood waa inaynu ka faa’idaysanaa, inta xilkaska ah ee yari waxa ay odhanayaan waynu dooranay Madaxwayne umadeed ayuu noqonayaa wuu ka gudbay beeshii ee aynu dayno beeshii. Inta badani waxa weeyaan shantaa sanadood aynu wax ka qabsano jago kasta qaata markaa Madaxwaynayaasha Afrika had iyo jeer waxa carqaladeeya beesha uu ka soo jeedo oo ninka aan xakamaynin sumcad xumo u keenta.

Dawladii Maxamed Siyaad Barre waxa ay gaadhay Boodhi-gaadhkii Madaxtooyadu inuu boqolkiiba boqol noqdo Mareexaan oo meeshiiba noqotay meel reer leeyahay, waxa kale oo aan xasuustaa Raysal Wasaaraha Kenya Raila Odinga Agaasimihiisa guud waa nin Somaliland u dhashay, afhayeenkiisu waa nin Somaliland ka soo jeeda asal ahaan, xoghayntiisu waa nin qabaa’ila kale ah, xafiiskiisa oo dhan waxa jooga dad aan reerkiisa ahayn Qabiilkiisuna waa JALWO (Mid ka mid ah Qabaa’ila reer Kenya), waxa aan waydiiyay maxaa kugu kalifay, waxa uu yidhi waxa igu kalifay haddii aan xoghaynta ka dhigto Wiil Jalwo ah inankii cid kale garan maayee intii Jalwada ahayd ee uu garanayay ayuunbuu ii soo daynayaa ayuu yidhi, Agaasimaha guud haddii uu noqdo nin Jalwo ah Jalwo ayuunbaa meeshii fadhiisanaysa ayuu yidhi. Markaa waxaan ku xisaabtamay si uu u noqdo xafiis umaddu leedahay in aan nin Jalwo ahiba ka muuqan, markaad xafiiska tagtana dad kale oo madax ah ayaa ka shaqaynaya oo reerkiisa nin ka fadhiyaa ma jiro, marka ninku uu Madaxwayne noqdo waa inuu reerkiisa iska xakameeyo oo ku xisaabtamaa in qaarkood leeyihiin Madaxwaynahaa aad doorateen shantaa sanadood ka faa’idaysta oo jago walba ha idin siiyo inuu yidhaahdo I daaya Madaxwayne umadeed ayaan noqdaye ayaa u wanaagsan.

Axmed Siilaanyo inuu ku dadaalo inuu had iyo jeer beesha uu ka soo jeedo iska xakameeyo cadaaladana sugo, kuna dadaalo marxalad culus ayaynu maraynaa ictiraaf ayaynu raadinaynaa culayska doorashadaasi dawlad ahaan nagu lahayd malayn kari-maysid, doorashadaasi wax walba waanu u hurnay waayo halbawle ayay ahayd haddii ay inaga fashilnto dalku muu jireen, markaa hawl culus ayaa u taala ee ILAAHAY ha u fududeeyo.

taladan uu xiligaa bixiyay ayay dad badan maanta qirayaan in ay ahayd talo wanaagsan halka ay dad kale odhanayaan cawil ma waxa uu garanayay dabeecadaha siilaanyo oo waayo aragnimo badan ayuu u lahaa maadaama uu qaatay mid kamida labada wado ee uu kala dooransiiyay madaxweynaha.

 

COMMENTS
LINKS