|
|||||
WAJAALE NEWS
Arinta Xiisada U dhexeysa Gudoomiyaha Kulmiye Iyo Suldaan Xasan Oo Meel Adag Mareysa iyo Dareenada Ku Xeeran.
September 18, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Xiisada u dhexeysa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Suldaanka Guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi ayaa, siweyn looga dareemayaa, Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa,qeybaheeda kala duwan. Xiisadan u dhexeysa Gudoomiyaha Kulmiye iyo Suldaanka Subeer-Awal oo murankeedu dibada u soo baxay ayaa, la sheegay in ay dabada ku hayso, mowqifka ay ka aaminsan yihiin Salaadiinta Subeer-Awal talaabooyinka Xukuumadu ku xaraasheyso Haamaha Shidaalka Berbera iyo Goobaha kale ee Danta Guud, iyadoo odoyaal kamid ah Beeshu hore ugu dhexdhexaadiyeen Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa laakiin aan lagu guuleysan,waxaana khilaafkani keenay in siweyn loogu kala jabo mowqifka Suldaan Xasan awal hore ka taagnaa loolanka Xisbiga Kulmiye ee garabka Muuse Biixi oo xiligan wax badani iska badeleen, Waxaanay wararka khilaafkan ka ag dhawi tibaaxeen in Beesha Madaxweyne Siilaanyo shuruud uga dhigeen Gudoomiyaha Kulmiye in ay muqadas tahay in ay wada Socdaan Salaadiintiisa taas, oo ay usii quus goysay siina kala fogeysay mowqifyda uu xiligan qaatey Suldaanka Guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan islamarkaana sii kala fogeysay isaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Salaadiinta Subeer-Awal ayaa iyagu xiligan Mowqif adag ka qaatey Xukuumada iyo talaabooyinka ay ku wado Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera iyo Arimo kale oo badan.
XIGASHO ;hadhwanaagnews COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|