Allow Yaa Sidaa Ka Wada Dhiga—-“Daacadnimada, Cibaadada, Deeqsinimadu Waa Deeq Eebe Siiyo Dadka Intii Garata”…..Aragtiday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Allow Yaa Sidaa Ka Wada Dhiga—-“Daacadnimada, Cibaadada, Deeqsinimadu Waa Deeq Eebe Siiyo Dadka Intii Garata”…..Aragtiday.
September 3, 2015 - Written by Editor:

maayar amiin
Hargeisa(W.N):-Xaasha Umaan Qaadan Qalinka Amaan, Buunbuunin, iyo Been Abuur Aan Shaqsi Ama Cid Gaara Ku Duro, Waxaanse U Qaatay Inaan Shacabka La Wadaago Hab Dhaqanka Iyo Sifooyinka Aan Kala Kulmay Shaqsi Aanu Isku Fac Ama Filnahay Dhinaca Dhalinyarnimo, Ama Da’ahaan,
Maxamed Amiin Cumar Cabdi Waxaa Ka Sakow Aqoontiisa Iyo Dedaalka Shaqsinimo Iyo Shacbiyada Uu Mushtamaca Dadka Dhexdiisa Uu Ku Leeyahay Ilahay Fursad Ama Jaanis Ilahay U Siiyey Inuu Noqdo Maayirka Magaalada Gabiley, Waxay Ahayd Markii Koowaad Ama Maalintii Koowaad ee Aan Kula Kulmo Shaqdii uu Umada u Hayey, Waxaa Maqaale Igu Ahaan jirtay Oo Dad faro Badan Ka Maqli Jiray In Dhaqamo Farabadan iyo nidaamkii shaqo ee ay Dawlada Hoose u Shaqayn Jirtay Uu Wax Badan Ka Bedelay, Ma Aanse Rumaysan Aragtida Noocaas Ah Waayo Waxaan fikiro hore oo aan dhacdooyikooda qaar la kulmay ka qabaa maamuladii ka horeeyey,Maayirka-Cusub-ee-Gobolka-Gabiley
Waxay ahayd Saacadu Markii aan Galay Xarunta Dawlada Hoose ilaa kowdii iyo badhkii duhurnimo, (1:30 pm) Waxaa Wakhtigaa ku Sugan Shaqaalaha Dawlada Hoose, Waxaa sheeko na dhexmartay Qaar Kamida Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee magaalada Gabiley Si Aan Xogo Rasmiya Uga Helo Nidaamkii igu maqaalaha ahaa inuu jiro iyo in aaney waxba ka jirin, Xafiiska maayirka Wakhtigaa Hortaaggan Ilaa Tobaneeyo Qof Oo Hawlo Kala Duwan ka Sugaya Inuu U Dhameeyo maayirku, Waxaan ka Mid Noqday Dadkii Sugayaasha Ahaa. Halka Uu Markaa Ka Qancinayo Shacab kale oo xafiiska kula jira, Waxaan ahaa Qofkii ugu Danbeeyey Ee Markaa U gala, Waxaan Arkayey ka Hor Intaana u galin In Qof Kasta uu markaa u gala maayirku uu kasoo Baxayey isagoo Dhoolacadeynaya, Halka Qaarna ay Qoslaayeenba, Goor Sheegta Ama Saacadu Waxay Maraysaa ilaa labadii Duhurnimo, Waxay Soo Gaadhay Wakhtigii aan U galilahaa, waxaan iska furay albaabka waxaa uu igu qaabiley dhoolacadeyn iyo farxad isagoo fadhigaba iiga kacay, Waxaa Na Dhexmartay sheeko aad u dheer anigoo inta badan ku dedaalaya inaan wax ka ogaado Dhaqamadiisa Iyo Sifooyinkisa Gaarka Ah, Waxaa Uu Ii Sheegay in subax kasta oo aan ahayn maalinta jimcaha uu soo fadhiisto xafiiska todobada subaxnimo ilaa ay ka gaadheyso labada duhurnimo,
Waxaa Amakaag Igu Noqotay In Wakhtiga intaa leeg qof Bini-aadam ahi Oo Shacabka Intaa Leeg Qancinayaa Uu Awood Ugu Yeelan Karo Inuu xafiis fadhiyo isagoo Helin Jaanis Nasasho Cunitaan ama Cabitaan Uu Ka Helo Energy, Waxaa Miiska Xafiiska Kaliya U Saaran Hal Caagad Oo Biyo Ah,
Haddaba Mid Waan La Dhacay Oo Waan U Bogay, Sida Firfircoonida Ah ee Uu Shaqsi kasta oo xafiiska hawal kale uu u qancinayo ee ay uga noqonayaan iyagoo faraxsan waxaaba marag ii ahayd Shaqsiyaadkii iga horeeyey ee aan albaabka ku kulanay,
Midna Waxay Igu Ahayd Layaab, Waxaa Layaab Igu Ahayd Inaan Arko Shaqsi Sidan Daacadnimo Iyo Adkaysi shaqada U Lehi Uu ilahay Hormood uga Dhigo Bulshadii Magaalada Gabiley Kalsooni Badana Ka Kasbatay.
Midna waxaan U arkay Deeq Uu Eebe Siiyey, Degnaanshaha, Alle Ka Cabsiga Iyo Cibaadada Wajigiisa Ka Muuqata, Deeqsinimada Iyo Dedaalka Intan Leeg Waxaan U arkay Deeq Uu Eebe Garansiiyey Kuna Nimceeyey,
Kalsoonida iyo Kalgacalka uu shacabka kula dhaqmayeyna waxay ahayd Dabci wanaag Iyo Dun Xariira Oo Dad Tiro Yar Lagu Arko.
Waxaan iswaydiiyey oo aan isbarbardhig ku sameeyey Faraqa U Dhaxeeya Isaga Iyo Ragg Badan Oo Ay Isku Wakhti yihiin Oo Sidiisa oo kale dalka maayiro ka ah degmooyin iyo gobolo kale duwan Amaba Madax Kale, Waxaan isgu Jawaabay Odhaahdan(ALLOW YAA SIDAA KA WADA DHIGA) oo aan uga jeedo haddii la helilahaa madax iyo maamul ku sifoobay Hab-dhaqanka Noocan Ah in Wax Badani Hagaagi Lahaayeen Ayaan Isku Qanciyey
Waxba Yaanan Sii Badine Waxaan Gobolka Gabiley Kaga Gam Ay Shaqsiga Ilahay Uga Faaiideeyey Aqoontiisa Iyo Daacadnimadiisa Inuu Ku Noqdo Hogaan.

W/Q……….. C.naasir Ismaaciil Ducaale
(Suxufi Madax-Banaan)

Shabakada Wararka Qodaalnews New

COMMENTS
LINKS