Xummadda Shacabka, Xabada joogtada ah, Xilgudasho la,aanta Jirta iyo xurmo darada xukumadda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xummadda Shacabka, Xabada joogtada ah, Xilgudasho la,aanta Jirta iyo xurmo darada xukumadda.
August 15, 2015 - Written by Editor:

Alle swc wuxu shareecada u soo dejiyey ilaalinta shan shay oo kala ah:

  1. Nafta qofka oo aan si yar dilkiisa loo xalaashan karin
  2. Maalkiisa,
  3. Cirdiga
  4. Caqliga
  5. Diinta

Waxaa in dhaweydba xummad xoog badan shacabka gudde iyo dabada ku beeray falalka foosha xun xun ee sida joogtada ah ugu soo noq noqonaya dalka gudihiisa gaar ahaan waxaa xanuun iyo xanaf badan ku reebay quluubta kumanaan qof xaqdarada iyo xabada lala dhacay qoys kamid ah qoysaska qaranka ugu suntan taarikhda dib u u xoreynta dalka, waxaa gaalay daaradooda boolis aan wadan waaran maxkamadeed oo soo qabasho ah waxaanay qabteen aabihii qoyska wayna xidheen, waxooga kadibna waxaa madaxa laga toogtey wiil yar oo uu dhalay. Isla wiigan waxaa sidoo kale gobolka awdal ka dhacay dil aad u fool xun kaas oo lagu dhaawacay laguna dilay saraakiil ka tirsan ciidanka.

Maantana waxaa geeriyooday wiil yar oo 7 xabadood askari kula dhex dhacay saldhiga kood buur!

Intaas oo dhami markay dhacayaan xukumadeena xurmo daran waxay awood u wayday xalinta amuuran anfariirka iyo argagaxa ku beeray bulshada.

Madaxweynuhu wuxu awoodi kari waayey inuu shir deg deg ah isugu yeedho goolihiisa wasiirada iyo laamaha amaanka ee ay khuseyso arimaha aminga dalku si looga soo saaro jawaab celin waafi ah oo shacabku ku laab qabowsadaan.

Waxaa ayaan darro weyn ah in uu Madaxwynuhu ka hadli kari laayahay dhibaatada baaxadaas lee gee dalka u hogaamintiisa hayo ka dhex jirta.

Waxay awoodi kari waayeen kooxaha la shaqeeyaa iney booqdaan maatida dhibaatadani ku dhacday oo ay la wadaagan murugada iyo muraaro dilaaca ka muuqda malaha wayba ku mafsuudsan yihiin dhibta haysta bulshade!

Dunida dhacdooyinkan kuwo ka yar yar oo khalad masuul sameeyey ah ayaa wasiiro dhami iyo taliyayaal dhami xilka isaga casilaan kuwani way garan waayeen taasna waayo shacab nacas ah oo aan damiir damqada laheyn ayey arkaan siday doonaana ka yeelayaan

 

wuxu Alle diiday daadinta dhiiga qofka muslimka ah shareecada iyo barta ay ka istaagteyna waxaa ku soo orooray aayado badan iyo axaadiis.

Shil waa dhici karaa, khalad waa ka iman karaa, balse su,aasha aan is weydiinayo ayaa wali ah. Sidee ayey ku dhici kartaa in 7 xabadood lagu dhufto qof maxbuus ah xeerka booliska, distoorkeena iyo diinteenaba meel ay kaga jirtaa ma jirto.

waxaa lagu andacoodaa tayo la,aan iyo qalab la,aan ayaa haysta booliska yaa ka masuul ah tayeyntooda iyo qalabeyntooda?

Boolisku wuxu u baahan yahay (Police Protection material) oo ah qalabka wax iska caabinta booliska oo dunida meel kasta laga soo heli karo. tusaale ahaan marka ay rabshado jiraan sida mudaharaada iwm, marka uu gudanayo waajibaadkiisa shaqo.

su,aasha kale ee meesha ku jirtaa ahaa ah waa dilkii 3dexaad ee wiig gudihii dhaca sameeyeena askar ta tirsan ciidanka wiilkii hore ee lagu toogtey hargeisa, saraakishi borama lagu toogtey iyo wiilkan hadda dhintey Alle swc dhamaantood ha u wada naxariistee meeyeen saraakiishi boolisku iyo taliyihii bileysku? meeday wasaaradii arimaha guduhu?

 

waxaan leeyahay Madaxweyne laba midkood unbaa ku gudboon in aad ummada u sheegto inaanad awoodi Karin hogaaminta dalka oo aad is casisho iyo inaad awoodaada uu Alle ku siiyey kuna qoran Distoorka ee sharciga aad u leedahay adeegsato oo aad xil ka qaadis ku sameyso

Taliyaha ciidanka booliska iyo wasiirka arimaha gudaba labadoodaba maxkamadna waliba la soo joojiyaa haddii kale waxaad sugtaa waa iyadoo suuqa la isku dhex toogto.

Ma jeclid in si kibir ah laguu xidho, ma jeclid in wiilashaada madaxa xabad lagaga dhaco, ma jeclid in dulmi lagugu sameeyo ha u quudhin shicibkaaga intaanad naftaada la jecleyn.

waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa qoyski iyo qaraabadii uu wiilkaasi ka baxay Anigoo la wadaagaya murugada iyo muraara dilaaca haysta

Allow dalka iyo dadka adigaa u maqan

Garyaqaan Barkhad Jama Hirsi Batun

Email: Barkhad909@live.com

COMMENTS
LINKS