|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukumadda Oo Khubaro Cilmi-Nafsiga Yaqaan U Dirtay Baadhista Dilalka Ciidanka Militariga.
August 29, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Wasiirka Gaadhandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa sheegay in la diray saraakiil khibrad u leh cilmi nafsiga oo baadhis ku soo samaysa dilalka ka dhex dhacaya muddooyinkan dambe ciidamada qaranka, iyagoo booqday goobihii ay shilalku ka dhaceen islamarkaana baadhaya siday u dhaceen dilalkaasi. Wasiir Cadami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in warbixinta ay saraakiishaasi soo saaraan la gaadhsiin doono xarumaha kala duwan ee ciidamada qaranka. Ugu horayn wasiirka oo ka hadlaya dilalka ciidamada ka dhex dhaca, wuxuu yidhi “Waa maqaadir, oo qofka ajashiisa way qoran tahay, oo halka samada ayey ka qoran tahay, waana talaabo aad u xun, sida qof walba oo muwaadin ahi uga xun yahay, ayaanu uga xunahay dhacdooyinkaas dhacay,caalamkana wey ka dhacaan, Mareykan iyo dal dhan oo nabad iskaga fadhiya ayaa nin maankiisu wax u dhimanyahay uu dadka xabad wada mariyaa, oo arday iskuul dhiganaysa oo wax dambiya lahayn ayuu laaya, arimahana waa lama filaan, waana la darsay, oo hadda niman Saraakiil ah oo khibrad leh oo Cilmi nafsigana waxa ka yaqaana baa hadda wada inta aan ogahay goobihii iyo sida ay wax u dhaceen iyo sida uu ninkaasi wax u dilay iyo waxa uu isagu ahaan jiray halkaas ayaa laga duulaya, waxaanan rajanayayaa in talaabadaas daraadasaadi ahi inay talaabo meel mar ah noqoto, in Ciidamada Qaranka, gaar ahaan Ciidamada jooga goobaha difaaca in la gaadhsiiyo daraasadan ayaa lagama maarmaan ah”. Wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo wax laga weydiiyay socdaakan uu Cali Khaliif Galaydh ku yimid gobalka Buuhoodle, wuxuu yidhi “Qofku wuu hunguri xumaysan karaa, waanu hunguroon karaa,mid aad ku guulaysto iyo mid aad ku guuldaraystana wey dhici karaan, wax cusubna maaha oo Cali hore ayuu u yimid, Xuduudana wuu soo galay,sida uu u yimidna waa damaca siyaasiga ah, oo qofka wax baa meesha uga muuqanaya, wax cusubna maaha oo Cali caan buu ku yahay, barnaamij buu wataa oo keenay, oo in dhawaydba muu iman, dadkuna laftiisu wuu sii ilbaxayaa, ka gaashamashada iyo waxa laga yeelayo waa hawl kale”. Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadllaayey sida uu arko saami qaybisaga golaha wakiilada ayaa yidhi “Hadba sida u qofku u akhristo ayey ku xidhan tahay, hadal ahaan waa la isku weeraraa waana lagu kala baxaa, laakiin Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadlay oo yidhi wax u gooniya iyaga maaha , hab qaran ha looga wada hadlo, in intaan Barlamaanka la soo galin in Madaxtooyo ilaa Axsaabta arintu culayska leedahay in la siiyo oo laga soo wada doodo cida ka joogta Barlamaanka iyo Guurtida, in arinta Saamiga qaybsiga xal loo helo ayaa wanaagsan, sidiii horeba xal loogu helay”. Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey sidii looga dabaashay muranka Saami qaybsiga wakhtigii uu ahaa Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ayaa yidhi “Waxa lagaga dabaashay mar haddii tirikoob sugan oo inoo yaala oo gobolada oo hadda loogu qaybiyo aanay jirin waxa la yidhi waxa aanu dib ugu noqonaynaa wakhtigii tirikoob ugu dambeeyey ee isticmaarku joogay, oo wax lagu kordhiyey, oo waxa la yidhi dadku intii ma joogay kursi walba intaas ha lagu daro, oo qolo walba kursigeedu intii uu noqday ayaa lagu kala baxay, waxaana markaas la lahaa markan ayaa inoogu dambaynaysa waddadan, oo mustaqbalka wax ka bedel ayaa la keenayaa, tiina wax muuqda oo ka bedelan lama keenin, is bedel inoo muuqdana ma jiro, laakiin inta ay airntani khuseeyso in la iskaga yimaado, oo si miir qaba looga wada hadlo waxaana ku rajo weynahay in xal la isla gaadhi karo, oo aan lagu kala kacayn”.
Related posts:DAAWO;-Xisbiyada Wadani Iyo Ucid Oo Dareen Celiyay Hadalkii Kasoo Yeedhay Madaxwayne Biixi Ee furist... DAAWO;-Suldaan Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dacwad Lagu Wado Faysal Cali Waraabe Iyo Arim... Eng Da,uud Abiib Axmed Oo dhabaal Hambalyo ah Udiray Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose Gabiley Iyo Xu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|