Xarunta Xuquuqal Insaanku Waxay ku Baaqaysaa in lagu sameeyo Baadhitaan madax banaan Dad Booliisku Ku Rasaaseeyeen Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xarunta Xuquuqal Insaanku Waxay ku Baaqaysaa in lagu sameeyo Baadhitaan madax banaan Dad Booliisku Ku Rasaaseeyeen Hargeysa
August 11, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa:(Wajaalenews)-9ka August 2015 abaaro 5:30 galabnimo, Cabdinajiib Axmed Maxamed oo ah wiil 12 jir

ah oo aan hubaysnayn ayaa u dhintay rasaas ay ku rideen booliiska Somaliland. Sidoo

kale waxa rasaastu dhaawacday Mustafe Axmed Maxamed, 22 jir, Cabdiraxmaan Axmed

Maxamed, 15 jir, iyo Maxamed Cabdilaahi Quule, 40 jir, halka Cabdirashiid Muuse

Maxamed, 27 jir, uu ku dhaawacmay garaac ay u gaysteen booliisku. Dadkii

dhaawacmay waxa loo qaaday oo hada lagu dawaynayaa cusbitaal. Sida ku cad

warbixinada caafimaadka, Cabdinajib waxa xabaddu kaga dhacday madaxa. Sadex ka

mid ah dadka dhibtu soo gaadhay oo uu ku jiro marxuumku waxay ka wada tirsan yihiin

Booliiska oo hubaysan ayaa yimi goob ay ka socotay dhisme xaafadda Jigjigayar ee

magaalada Hargeysa si ay u joojiyaan dhisme ka socday aag la degan yahay. Booliiska

waxaay is maan dhaafeen xubno ka tirsan qoys sheeganaya lahaanshaha goobta

dhismuhu ka socday islamarkaana ku leh goobta tukaan iyo nootaayo iyo dad kale oo ku

soo ururay buuqa. Booliisku waxay ku fureen rasaas nool dadkii soo buuqay. Waraysi uu

warbaahinta siiyay wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha,

mudane Cabdi Daahir Camuud, wuxuu qiray in booliisku rideen rasaasta wuxuu se ku

dooday inay is difaacayeen kadib markii dhagxaan lagu soo tuuray.

In dad aan hubaysnayn lagu rido rasaas waa fal aan la aqbali karin. Xoogga ay

isticmaaleen booliisku uma dhiganto khatarta ay wajaheen. Dad goob joog ahi waxaay u

sheegeen Xarunta Xuquuqal Insaanka in dadka dhaawacmay qaarkood ay sii cararayeen

markay xabaddu ku dhacday. Wiilka yar ee 15 jirka ah, Cabdiraxmaan Axmed Maxamed,

wuxuu ku cayaarayey baaskiilkiisa markii xabaddu bilaabantay. Waa naxdin in laba ka

mid ha dadka dhibta soo gaadhay ay yihiin caruur.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay in booliisku soo dhexgalo

muran dhul iyada oo aan amar iyo dacwad maxkamadeed jirin. Xaruntu waxay si adag u

canbaaraynaysaa in booliisku isticmaalay xoog xad dhaaf ah. Waxa aad nooga yaabiysay

in isla markiiba masuuliyiintu difaaceen booliiska iyaga oo aan ku samayn baadhitaan

Dhacdada caynkan oo kale ahi maaha mar la arag. Masuuliyiintu waa inaanay difaacin

booliiska ee waa in booliisku qaadaa masuuliyadda talaabooyinkiisa islamarkaana waa

in la soo afjaraa dacwad ku oogis la’aanta booliiska oo ay tahay in sharcigu qabto

iyagana. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ku baaqaysaa in sida ugu dhaqsaha badan

loogu sameeyo baadhintaa madax banaan dhacdadan.

Hana Abdisalaan Mohamed

Advocacy and Lobbying Officer

Human Rights Centre

Email: hana.mohammed253@gmail.com or hrcsomaliland@gmail.com

COMMENTS
LINKS