Xarunta CID-da Oo Xog Waraysatay Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal iyo Eedaha Loo Haysto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xarunta CID-da Oo Xog Waraysatay Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal iyo Eedaha Loo Haysto
August 31, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews- Guddoomiyaha wargeyska fadhigiisu yahay Hargeysa Ee Ogaal, Muuse Faarax Jaambiir , ayaa hay’adda dambi baadhista ee CID-du xog waraysi kala yeelatay xoggo wargeysku ka qoray qorshaha xukumaddu ku wareejinaysay Haamaha shidaalka ee Berbera.

gudomiyaha wargayska ogaal

Guddoomiyaha Ogaal, ayaa xarunta Dambi baadhista tagay xalay kadib markii xarunta wargeyska loogu keenay warqad yeedhmo ah oo maxakamadda ka soo baxday, iyadoo halkaasi lagu waydiiyay xagga uu ka keenay xogaha wargeysku ka qoray Haamaha xukumaddu wareejin rabtay.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu CID-da ugu war celiyay in xogaha ay hayaan yihiin wixii Wargeyska lagu soo daabacay, islamarkaana ay la xidhiidhay dareenka bulshada ku qabto wareejinta Haamaha iyo sidii shacabka loogu iftiimin lahaa.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay  in arrinta CID-du baadhis kiis la xidhiidho, isla markaana uu xog ku helay in dacwaddani ka timi dhinaca madaxtooyada oo ay la xidhiidho warar iyo dareenada shacabka ee la xidhiidha mawduuca Haamaha oo uu baahiyay.

Wargeyska Ogaal ayaa todobaadkii hore baahiyey Xogo la xidhiidha in xukuumaddu ku wareejinayso Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera shirkado gaar loo leeyahay oo qaarkood lagu xidhiidhiyey inay iska leeyihiin ama Saamiyo ku leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

 

 

COMMENTS
LINKS