Wiilkii Boolisku Saldhiga Ku Dhex Toogtay Oo Geeriyooday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wiilkii Boolisku Saldhiga Ku Dhex Toogtay Oo Geeriyooday
August 15, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Alle ha u naxariistee Axmed Dayib Cabdi Koorse, ayaa cisbitaalka Hargeysa oo lagu dabiibayay ku geeriyooday kadib markii isagoo maxbuus ah boolisku toogtay. Wiilkan ayaa geeriyooday subaxnimadii sabtida kadib markii subaxnimadii Jimcaha rasaas uu riday Askari ka tirsan booliska saldhiga Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa  maxbuuska ugu gashay qolkii uu saldhiga ka hurday.

Xukumadda ayaa ka hadashay sida falka Saldhigu u dhacay,halka Xisbiga Waddani uu cambaareeyay

 

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa fal bahalnimo ah ku tilmaamay dhaawac halis ah oo boolisku saldhiga Ibraahin Kood-buur ugu gaystay wiil dhalin yaro ah oo maxbuus ah, balse masuuliyiinta laamaha ammaanka ayaa falkaasi ku macnaynaya mid qadar Alle ah.

Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa Sharaxay Sida wax u dhaceen“ dhacdadan oo ahayd laba Maxbuus oo mid ka mid ah qolalka Maxaabiista ku xidhnaa ayaa is dilay ka dibna askartii waardiyaha ahayd mid ka mid ah ayaa xabad riday xabadiina waxay ku dhacday oo ay daaqada uga gashay wiil dhalinyaro ah oo qol kale ku xidhnaa waxaana la yidhaahdo Axmed Dayib Cabdi,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Taliyaha ayaa sheegay in sharciga la hor gaynayo askariga falka gaystay “Nasiib wanaag ciidanka boolisku markiiba gacanta ayay ku dhigeen askarigii falkaa geystay,waxaanan ku ammaanayaa sida wanaagsan ee ay ciidanka boolisku dhacdadaa u maareeyeen waxaanay ahayd dhacdo iyo shil dhacay, waxaanan caddaynayaa in askariga falkaa geystay si deg deg ah sharciga loo hor keeni doono oo sharciga la marin doono. “

Waxa uu taliyuhu samir ku booriyay waalidka wiilka dhalay, isagoo sheegay in xukumaddu daweynayso wiilkaasi “waalidka wiilkaa dhalinyarrada ah dhalayna waxaan leeyahay waa shil dhacay waana qadar, qadarkuna wuu dhacaa wixii dhacayna waanu ka xunnahay. waxaanan talis ahaan iyo hadday wasaaradda arrimaha gudaha tahay aanu aad uga hawl galay sidii wiilkaa dhaawucu soo gaadhay loo dawayn lahaa”.

Wasiir xigeenka gobolada iyo degmooyinka ee wasaaradda daakhiliga Axmed Faarax Cadarre, ayaa isna sheegay in dibadda loo qaadi doono dhaawaca Wiilkan yar “Shilka  dhacay wixii warbixin ciidan ahayd taliyaha ayaa sheegay waxaa kaliya ee aan ku darayaa waxay tahay wiilka dhaawacmay ayaanu ugu tagnay dhakhtarka sidii aanu moodaynay maaha oo dhaawiciisu wuu fudud yahay ALLENA waxaan uga baryaynaa in uu caafimaad siiyo oo uu dhaawaca soo gaadhay ka kiciyo dawayntiisuna way socotaa,waxaanay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in aan halkan wax lagaga qaban Karin waxaanan diyaarinay baasabooradii iyo hawshiisii waxaana diyaarad si deg deg ah loogu qaadi doonaa dalka Jabuuti.”

Wasiir ku xigeenka oo bulshada la dardaarmaya ayaa intaa ku daray “Waxaan leeyahay bulshada Somaliland dhacdooyinka caynkaasi caalamka oo dhan way ka dhacaan waxaanan leeyahay waa qadar dhacay waxaanan ciidanka booliska ku ammaanayaa in ay gacanta ku dhigeen ninkii askariga ahaa ee falkaa geystay. Bulsgadana waxaa looga baahan yahay in ay degenaanta iyo nabad gelyada kala shaqeeyaan hay,adaha ammaanka.”

Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahin Mahid Buubaa, ayaa isagu arrintan ku macneeyay mid masuuliyad darro ku timid oo si fool xun u dhacday “Waxaan halkan ka canbaaraynayaa falkaa bahalnimada ah ee  Ciidanka boolisku kula kacayo muwaadiniinta da’yarta ah, iyadoo la xasuusan yahay falkii maalmo ka hor ay ciidanka boolisku rasaasta ku gumaadeen qoyskii mujaahidka Axmed Jabaan ee lagu weeraray gurigoodii caruurtiina loo geystay dil iyo dhaawac.waxa hada ayaan daro weyn ah in haddana aynu maqalno falkan naxdinta weynle”.

 

COMMENTS
LINKS