Weerarka Ka Dhanka Ah Gudoomiye Ciro, Ee Xukuumada, Hogaanka Kulmiye iyo Xubin Kasta Oo Muxaafid ahi Sidee Bay U Muuqataa(faalo) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weerarka Ka Dhanka Ah Gudoomiye Ciro, Ee Xukuumada, Hogaanka Kulmiye iyo Xubin Kasta Oo Muxaafid ahi Sidee Bay U Muuqataa(faalo)
August 1, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Marka si xaqiiq ah loogu dhabo galo hadalada dhaliilaha

Xukuumada loo jeediyo habeen iyo maalin ee Xubnaha Mucaaridka

xiligani, ku ekeysiiyaan Madaxweyne Siilaanyo Xukuumadiisu waxeynu

ognahay in aaney kala go laheyn oo shantii sano ee Xukuumadu jirtey

intii ugu badneyd ay taagnaayeen hadh iyo habeen,taas oo looga badan

yahay inta badan dhaliisha Gudoomiye Ciro jeediyo wakhtiyada kooban

hadana marka laga tix raaco jawaabaha iyo hadalada weerar celiska

Xukuumada iyo hogaanka Kulmiye iyo Xubin kasta oo Gobol iyo Degmo

jooga waxey u badan yihiin kuwa lagu weerarayo Gudoomiye Ciro oo xubin

kasta oo Muxaafid ahi ku muujineyso kaalintooda.

Waxey dad badani isweydiinayaan sababta aan inta badan loogu jawaab

celin xubnaha kale ee faraha badan ee Mucaaridka ku ah Xukuumada,oo

iyagu aan u nasanin dhaliilaha iyo dhaleeceynta ay ujeedinayaan

Xukuumada Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan intii aanu u socdaalin

safarkiisa xiligan uu ku marayo Gobolada Bari ee dalka, waxa uu

Warbaahinta u akhriyay qoraal uu kaga hadley arimaha doorashooyinka,

mudo kordhinta dhawaan Guurtidu u sameysay, iyo khilaafka muranka ee

ka dhashey gogoshii Xukuumadu fidisey, waxa uu Madaxweynuhu qoraalkisa

ku xusey in Gudoomiye Ciro Kursiga hogaanka Golaha Wakiilada ku

sheegay mid xalaal ah mudo kordhinta Madaxweynaha isaga(Siilaanyo),

loo sameeyeyna ku sheegay xaaraan taas, oo uu ku tiiqtiiqsadey ma aha

mid kali ku ah Madaxweyne Siilaanyo haseyeeshee, waxa la qaba inta ugu

badan ee Masuulyiintiisa meel kasta iyo goob kasta oo ay hadal ka

jeediyaan, waxa kale oo la qaba xubin kasta oo Muxaafid ah iyo

hogaanka Kulmiye gabi ahaantiiba kuwaas oo badheedhahooda ku

bartilmaameedsada jawaab ay ku celiyaan Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed

Cabdilaahi(ciro), Gudoomiyaha Golaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga

Mucaaridka ah ee Wadani oo aan isagu adyad badan laheyn xaqiiq ahaan

mudadii uu mucaaridka ahaa oo laga joogo laba sano iyo maalmo ha

ubadnaadaato tan iyo intii ka dambeysay Doorashadii D/hoose ee Xisbiga

Wadani usoo gudbey kaalinta Xisbinimo.

 

Xaqiiq ahaan marka aynu kusoo dulucdani waxaey su,aasha munaasibka ahi

tahay waa maxey sababta Xukuumada oo dhan heer Madaxweyne,heer Wasiir,

Xisbi iyo xubin kastaaba jawaab hadalkooda ugu beegaan Gudoomiye Ciro

taas, oo jawaabteeda lagu qiyaasi karo in cabsida Xukuumadu u badan

tahay baqaha laga qabo Gudoomiye Ciro, oo aan cadho iyo ciilqab badani

ka muuqan, mase u muuqan kartaa in Ciro yahay ninkan kusoo socda

Kursiga Siilaanyo ku fadhiyo oo la iska wideynayo.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

COMMENTS
LINKS