Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Somaliland U Fadhiya Addis-ababa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Somaliland U Fadhiya Addis-ababa
August 1, 2015 - Written by Editor:

Addis Ababa(Wajaalenews)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Mud. Maxamuud aadan Jaamac Galaal, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Wasiiru dawlaha Dawladda Federaalka Itoobiya Mud. Barhana Gabri Christos.

itoobiya ww

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Wasiiru dawlaha, waxay labada masuul ka wada hadleen xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Waddamada Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha debadda Itoobiya ayaa safiirka Somaliland oo dhawaan xilkaas loo magacaabay siweyn u soo dhaweeyay. Isagoo tilmaamay in xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid dhidibo adag ku taagan.

Kulankan Safiirka Safaarada Addis-ababa ee Somaliland iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha debadda Itoobiya ayaa aha kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan. Geesta kale Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, Safiirka Somaliland ee Itoobiya ayaa laga dareemaya dadaal dheeri ah, marka la eego talaabooyinka uu qaaday muddadii koobnayd ee uu xilka hayay, isagoo dhawaan ka qayb galay shirweynihii Midowga Afrika ee uu Madaxweynaha Obama khudbada ka jeediyay.

COMMENTS
LINKS