Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Qayb Laxaadle ka Qaatay Qaadhan Ururintii Abaaraha Ka Taagan Gobolka Gabiley Iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Ka Muquurtay,, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Qayb Laxaadle ka Qaatay Qaadhan Ururintii Abaaraha Ka Taagan Gobolka Gabiley Iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Ka Muquurtay,,
August 1, 2015 - Written by Editor:

Gabiley (Wajaalenews)  Wasiirada iyo xildhibaanada Golaha wakiilada ee  Ka soo Jeeda Gobolkan Gabiley oo u balansanaa kulan qaadhaan loogu ururinayay dadka tabaalaysan ee abaaraha badani ku hamsadeen ayaa waxaa dhamaan ka muquurtay gabi ahaan xildhibaanada golaha wakilada ugu jira bulshada reer gabiley iyagoo  ka Muuqurtay Deeqdii ay soo gaadhsiin lahaayeen Dadkooda Abaarta Ba’ani Heshay Wasiirka warshadaha somaliland ayaa isagu ku kaliyaystay isagoo   Qayb Laxaadleh ka qaatay Deeq Xadigeedu yahay 500$ ugu deeqay Dadka abaaraha ba’ani heshay Wasiirka warshadaha Shucayb maxamed Muuse ayaa isagu ku kaliyaystay  udadaalida bulshada  Ka soo Jeeda Gobolka Gabiley ahna wasiirka kaliya ee wali dhex degan bulshadii uu wasiirka u ahaa halka guud ahaan ay kasoo wada guurneen gabiley wasiirada, iyo xildhibaanada reer gabiley marka ay xil loo dhiibo amaba golaha loo doortay.

https://youtu.be/6vvJeUG472I

Wasiir Shucayb ayaa xiligan  ah wasiirka matala bulshada reer gabiley una samaynta badan.

dhanka kale maamulka gobolka gabiley ayaa iyaguna maanta bilaabay sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadka abaaruhu haleeleen kuwaasi maanta loo diray deegaano kamida meelaha ugu daran 100booyaydood oo biyo ah,

munaasibadan lagu bilaabay gurmadka abaaraha ayaa waxa ugu horay ka hadlay badhasaabka gabiley Mustafe Cabdi ciise

waxaa kale oo isna madasha ka hadlay maayarka  magaalada gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi isagoo ku dhawaaqay in arinta bio dhaamiska ee ay maanta gabiley a bilaabeen uu ku dhawaaqay madaxwaynaha somaliland axmed maxamed siilaanyo oo xiligaa ku sugnaa magaalada burco

 

COMMENTS
LINKS