|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyadu Iyadaa Dadka Oo Dhan U Sheegtey In Madaxweynuhu Wasiirkii Tacliinta U Haysto Wali Caado Ee Dadku May Wada Ogeyn(Faallo)
August 9, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Waaalenews)-Tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo socdaalada ugu kacay Gobolada Bari ee dalka Somaliland,indhawaale waxa iska soo daba baxayay fadeexado iyo raadad fashilaadeed oo daba socda isaga iyo Waftiga u raacey ilaa Ceerigaabo oo aan kayareyn lix iyo toban Wasiir, iyo waliba Xubno katirsan Qoyskiisa oo ay kamid ahaayeen laba gabdhood uu dhaley Madaxweynuhu iyo raga Qaba sida Baashe Cawil, iyo Wiilkii dhawaan Guursadey gabadha kale, iyo caruurta Baashe waana arimaha ugubka ku ah Qaranimada Somaliland oo aynaan hore u arag Xukuumadihii ina soo marey marka tan oo kale loo eego. Waxa kale oo safarkani ku lamaanaa fadeexado Xukuumada Siilaanyo la kowsatey oo ilaa maanta ku ah barmadow ,maxaa yeelay raxan Wasiiro ah oo isdaba yaacaya, oo bilaa baratakool,iyo nidaam ah oo hadana Wafti ah oo hadana aan isku uursameyn, iyo Xubno kale oo iyaguna Xisbiga Kulmiye ah oo dhamaantood isku mici lisanaya oo aan midna midna Salaan niyad ah ka qaadeyn, iyo waliba Ishaa falateysi iyo Sawiro midba midka kale ku xininayo iyo maagis iyo is weerar aan oogsi laheyn sidii aad ka arkeyseen Cadaani iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag oo lakala jiidayo,waxaana meesha hadh beelay Xogheynta iyo Xubnaha aan Masuulyiinta sare aheyn, ee Wasiir kasta iyo Agaasime kastaaba ku ciidan urursdey taas oo amniga iyo habsami u socodka Waftiga wax weyn u dhimaysay Gaadiidka la wateyna intuu tira dhaafey ayaan Madaxtooyada maqashiisii lagaga tagin. Hadaba marka taa laga Yimaado Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ahaa hogaamiyaha Waftiga,ayaa isagu u muuqdey in aanu xogogaal ka aheyn tirada badan ee Waftigiisa iyo sida xaalkooda hoose yahey,waxaana fagaarayaasha Ceerigaabo ee beerta Xoriyada oo dadweynuhu isugu soo baxeen iyo Jaamacada ka dhacey arimo aan Bulshada Somaliland hadalheyntooda ilaa maanta dhigin kadib markii Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Faley madal ilyatu is qabatey cod uga qaadey Gudoomiye Ciro Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada taas oo uu yidhi miyaynu cod siinaa mar kaliyana ay ku war heleen Haada kasoo yeedhay Dadweynaha waxa taa usoo raaca Khudbadii Madaxweynaha ee Jaamacada Ceerigaabo oo uu ku sheegay in Wasiirkiisii Tacliintu lasocoto inkastoo, aan dhacdadaasi dadku ka wada haynin hadana waxa lagu War helay kadib markii Wasiirka Maaliyadu Samsam Cabdi Aadan ay Jawaab ka bixisay hadlheyntii Koobneyd ee dhacdadaasi taas oo lamid noqoneysa ninkii Boqor Hayle Salaase caayay ee Saajinkii Maqlayay meel kasta mariyay ee Boqorkii Yidhi soo Gudbiya markii uu Boqorkii horoogsadey waxa ninkaasi uu Boqor Hayle Salaase kuyidhi ma adigaa i caayay mise ninkan ayaa i caayay markaasuu kuyidhi Boqor ninkanaa ku caayay Hayle Salaase ayaa dabeed ugu Jawaabay ninkani markii uu i caayay kaligaa ayaa maqlayay laakiin adigu caydii Itoobiya oo dhanbaad gaadhsiisay,halkaasna uu ku taxaabay saajinkii darajada doonayay. Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Maaliyadu waxey hayn kari weyday, in uu Madaxweyne Siilaanyo afkiisu ka xado waxa uu uurkiisu jeclaa ee aheyd Wasaaradii Tacliinta ee uu horaantii u magacaabay markii lagu kalifey, hadana ay u muuqato Wasaarada Maaliyada ee ay maanta Xilkeeda hayso in aanu marnaba raali ka aheyn haseyeeshee, lagu jujuubay oo lagu khasbey waana sababta ay iyadu mar kale uga hadashey arimo Asaasaq iyo waxaan looba fadhiyin, taasina ay kusii noqotey bar madow oo ay Bulshadu kaga war heshay waxa Jawaabta Wasiirada keenay maxaa Yeelay, marnaba may Suurta gasheen in Wasiir kamid ah Golaha Xukuumadu uu kadaba tago hadalkii Madaxweynuhu ka yidhi Munaasibad Caruur iyo Cirooleba goob joog ka ahaa laakiin, waxa ay tani ku dhaceysaa waa sida ay Marwo Samsam xogta badan uga qabto sifihii Xilkan loogu dhiibay oo aan taladiisa iyo Maskaxdiisa midna kasoo gu,in iyo waliba dareenka ay ka qabto sifihii Xilka Wasiirka Maaliyada loogu dhiibay oo horeyso iyo Dambeyso noqoneysa arin dhagar ku ah Qaranimada iyo Nidaamka Dowladnimo, waxaana dib ka Xusi Doonta xaqiiq ahaan Taariikhda Tusaale ahaana, hadii talada Madaxweynuhu u madax banaan yahay oo aan Laaxin kujirin wixii dhacayaaba ha dhacaane sax iyo Khalad Wasiir Xukuumada katirsani kama daba tageen Hadalkii Madaxweynaha sida Nidaamka Dowladnimo iyo Qawaaniinta heer Madaxweyne dhigayaan.
Wabilaahi Towfiiq Maxamuud Xasan Cabdilaahi Baki Somaliland Related posts:Madaxweyne Muuse Biixi oo Shacabka Reer Somaliland iyo Umadda islaamkaba Ku hambalyeeyey munaasibada... Xisbiga UCID Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Digniintii Gudida Diiwaangelinta Qaranka Somaliland Madxwaynaha Jsl Oo Lagu Soo Dhaweeyay Oodwayne, Kana Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Taagan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|