|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ka Badbaadey Shil Halis Ah Oo Baabuurkeedu Galey iyo khasaaraha ka dhashay.
August 20, 2015 - Written by Editor:Shilkan Baabuur ee Baabuurka Wasiirka Maaliyadu ku galey inta u dhexeysa Goolada Jigjigayar iyo iyo Huteelka Summer-Time Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa, nasiib wanaag ka badbaadey Shil baabuur kadib Markii Baabuurkeeda gaarka ah iyo Baabuur weyn oo Xamuul ahi si xun isugu dhaceen Nawaaxiga Galbeed ee Huteelka Summer-Time inkastoo aan wax khasaare ahi soo gaadhin Dirawalkii iyo Askartii la socdey Baabuurkaasi. Shilkan Baabuur ee Baabuurka Wasiirka Maaliyadu ku galey inta u dhexeysa Goolada Jigjigayar iyo iyo Huteelka Summer-Time ayaa ilaahay ka badbaadiyay dirawalkii iyo Askartii saarnaa Baabuurka maadaama ay dib ugu soo booday (Airback), oo ka badbaadisey halista shilka. Waxaanay Labada Baabuur ee shilku ka dhex dhacey wakhti badan u xanibnmey Boqolaal Gaadiid ah kadib markii ay labada Baabuur isku gudbeen jidka Wadnaha iyadoo khasaare culusi wajahada hore kasoo gaadhey Baabuurka Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaaney dad goob joog ahi u xaqiijiyeen Hadhwanaagnews in Baabuurka Wasiirku xoog usocdey si uu shaqada ugu soo qaado Wasiir Samsam haseyeeshee, uu si lama filaan ah ugu dhacey Baabuurka kale oo ahaa nooca Xamuulka oo qufulan. Shilkan ayaa noqonaya kii labaad ee Noociisa ah ee ka ag dhawaaday Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan haseyeeshee, illaahay ka badbaadiyey, iyadoo Shilkii hore ee Baabuur kamid ah Waftigii la socdey ay ku geeriyoodeen illaahay naxariistii jano hasiiyee, Agaasimihii Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Maaliyada Marxuum Wali Daa,uud,Sawir Qaade Marxuum Maxamed Daa,uud, iyo Askarigii, inkastoo Shilka maantu aanu khasaare laheyn balse uu kaa hore kaga duwan yahey Baabuurkii Wasiirka oo Shil Culus galey wakhti aaney saarneyn baabuurkaasi, laakiin laga soo qaadayay Guriga ay ka degan tahay Magaalada.. Inkastoo Inta Badan Layidhaa Waxa Baadhaya Sida uu Shilk u dhacay Ciidanka Nabedgelyada Wadooyinka, Hadana ilaa iyo hada lama garanayo Labada Baabuur ka Khladaka leh Walow Babuurka Wasiirada uu ku Socdey Xawaare Dheer.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|