|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga Oo Shaaciyay Inay Dhammaatay Muddadii Loo Qabtay Joojinta Bacda, Cidii Hadda Kadib Lagu Qabtaana Ay Mutaysan Doonto Ganaax Culus.
August 12, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews)-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland DR Muuse Qaasim Cumar ayaa ku dhawaaqay in laba maalmood uun uu ka dhiman yahay wakhtigii 120 maalmood ahaa ee loo qabtay in bacaha dalka lagaga joojiyo. Waxa u wasiirku ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya afar iyo tobanka bishan cidii ka ganacsada bacaha ee la arko sharciga lala tiigsan doono,waxaanu shacbiga Somaliland u soo jeediyay in laga hawlgalo sidii loo joojin lahaa bacda oo uu ku tilmaamay mid bilida,xoolaha iyo deegaanka Somalilandba dhib ku haysa. waxa uu sidan Wasiir Muuse Qaasim ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay waxaana hadalkiisa ku bilaabay sidan “Bacaha waatii la madnuucay, waxaana maalintaas sida digreetada ku qornayd loo qabtay 120 maalmood oo noqonaaya afar bilood, waxay ahayd bishii afaraad ee sanadkan,hadaba bishan aynu ku jirno afar iyo tobankeeda ayuu wakhtiga bacdu ku eekaa,waa xaaraan maalintaas waxii ka danbeeya ka ganacsigeeda,wax ku ridashadeeda iyo isticmaalkeeda oo dhan.” wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”sidaas daraadeed waxaanu ganacsatada,shacbiga iyo gobalada Somalilandba u sheegayaa in mudadii 120-ka casho ahayd ay dhamaatay,ka ganacsigeeda iyo wax ku qaadashadeeduba way xaaraantinimoobeen.hore ayaynu u soo sheegnay dhibaatooyinkeena oo bilicda ayay qaribaysaa,xoolaha ayaa cunaaya oo ku dhinta, waa wax sun ah kun sanadoodna waa ay sii noolaanaysaa oo ma dhimanayso,waana qashinkaas caafimaadka u daran,markii dhan waba laga eegayna waxa laysla gartay in bacdaas sideeda lagu joojiyo.” ugu danbayntii waxa uu wasiirku baaq u jeediyay bulshada waxanu yidhi”waxaanu ganacsatada iyo shacabkaba ka codsanay inay waxii lagu badali lahaa ay keenaan,shaqo ayaana uga furmaysa dumarkeenii yaqaanay farsamada ee samayn jiray saladaha,kuwii kiishashka samayn jiray,horeba umaynu isticmaali jirin oo waxaynu adeegsan jirnay wax aynu inagu samaysan jirnay. dawladaha hoose iyo ciidanka booliska ayaana u xilsaaran fulinta amarkaas,wasiirka arimaha gudahuna wareegtooyin ayuu u kala dirayaa.qofkii iibinaaya ee lagu qabto iyo cidii meel ku qarsatayba sharciga ayaa la horgaynayaa dekedaha dalkana iyaga waa laga joojiyay oo kama soo dagto.”ayuu yidhi Dr Muuse Qaasim Related posts:DAAWO;-Madaxwaynaha Somaliland Oo Kormeeray Goobaha Ay Diwaan galintu Ka Socoto Ee Gudaha Magaalada ... Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Hadlay Walaac La Sheegay In Caalamku Ka Qabo In Mar Kale Dib U Dhac ... Daawo Sawiro:Kulan Casho Sharafeed Lagu Sii Sagootinaayey Xoghayaha Arimaha Gaarkaa Ee Xisbiga Wadda... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|