Wasiirka Duulistu Markuu Albaabka Gurigiisa Garaacayo Oo Kaliya Ayuu Runsheegaa Waase La Isaga Dambeyn Beenta Dadka Loo Sheegayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulistu Markuu Albaabka Gurigiisa Garaacayo Oo Kaliya Ayuu Runsheegaa Waase La Isaga Dambeyn Beenta Dadka Loo Sheegayo.
August 11, 2015 - Written by Editor:

Anigoo ah Sadaam Nuux Xirsi waxaan halkan kaga hadlayaa Taariikhdu waa

Mudan waa Tiro Markhaati Leh oo aan sinaba ku Hadheyn haduu duugoobo

Qofku iyo haduu joogo ifka labadaba waxeynu wada ognahay in Wasiirka

Duulista Xiligani Maxamuud Xaashi yahay ninka aanay wali ka hadhin

Taariikhdii uu ku muteystey Ciilqabka ee xiligii Xukuumadii Marxuum

Cigaal taas oo uu ku tirin jirey Kuraasida dadkii Aqoonta kartida iyo

Waayo aragnimadooda iyo Khibradooda uu ku geyn jirey uguna magacaabi

jirey illaahey naxariistii jano hasiiyee Marxuum Cigaal, waxeynu

maanta wada ognahey in uu kamid yahey Wasiirka duulistu raga fursada

ugu wanaagsan ka helay Xukuumada Siilaanyo ee jeebabka ka buuxsadey

hantida dhiiga shacabka laga urursado iyo deeqihii dalka kuweyt ku

caawiyeen Somaliland ee tobanka Milyan ee dollar ka badneyd taas oo

maanta Madaarka Hargeysa ay ka muuqato guryo la ranjiyeeyay iyo

Runweyga oo la cameeyay qof kastaana garan karo saqiir iyo kabiir in

aanay toban milyan ku bixin haseyeeshee, lagu dhisey milyan dollar

lacag aan ka badneyn.

 

Waxa kale oo aynu ognahay halka Maxamuud Xaashi ka taagan yahay,

maanta Siyaasada Gobolka uu kasoo jeedo ee Sanaag waxa marag ma doon

ah in aanu tagi kareyn Ceel-Afweyn iska daa meel kale oo xataa aanu si

kalsooni leh uga hadli karin fagaare Magaalada Ceerigaabo iyo

Magaalooyinka kale ee Gobolka xaqiiq ahaana, waa ninkaa maalin walba

beenta u sheegaya aqoonyahanka, waxagaradka, odoyaasha duqeyda,

Madaxdhaqameedka,dhalinyarada,iyo biri mageydada Gobolkaasi kasoo

jeeda waa ninkaa xiqdiga iyo buqdiga la dhex taagan Xukuumadaa uu

fursada ka helay,ee ka riixaya intii wax aqoonta aheyd ee kasoo jeeday

Ceel-Afweyn Gar Adag iyo meelo kale oo badan,markaan dhinac walba ka

eegay waxaan waayay anigoo ah Sadaam Nuux Xirsi waxaan ogaadey in uu

yahay Wasiirka ugu beenta badan Golaha Wasiirada waxaanan is idhi

marka uu albaabka aqalkiisa garaacayo oo kaliya ayuu Run sheegaa

waxyse balo ka joogtaa waxa aanu ogeyn in la iskaga dambeyn doono been

la sheego ayaamihii qaar badan ayaa dambeeya,e ee faraqa haweenku

halkuu ku gaadhsiiyo aynu eegno.

Sadaam Nuux Xirsi

Hargeysa Somaliland

sadamnuh@hotmail.com

COMMENTS
LINKS