Wasiir Xaglotoosiye Oo Gaadhay Magaalada Buuhoodle Si Weyna Loogu Soo Dhaweeyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Xaglotoosiye Oo Gaadhay Magaalada Buuhoodle Si Weyna Loogu Soo Dhaweeyey.
August 16, 2015 - Written by Editor:

Buuhoodle(wajaalenews)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa galinkii hore ee axadda si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle. Socdaalka wasiirka ayaa lala xidhiidhinayaa sidii aanu degaankaasi saamayn ugu yeelan lahayn Hogaamiyaha kooxda Khaatumo oo isna ku sugan degaanka Buuhoodle kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu halkaasi soo gaadhay.

Wasiirka ayaa waxa soo dhaweeyey Gaadiid tiro badan iyo fardo ayaa lagu qaabilay weftiga Wasiir Xaglotoosiye, iyadoo waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee degaanku kaga hor tageen degaanka Kalshaale oo 35km u jira magaalada Buuhoodle oo markii dambe weftiga loo galbiyay.

xagl

Wasiirka caafimadka soomaaliland oo bulshada hadal u jeediyay ayaa u laqimay sida qaddiyadda qaranimada Somaliland u tahay lama taabtaan, waxaanu bulshada ugu bushaareeyay in xukumaddu ula diyaar tahay mashaariic horumarineed

Wasiirka caafimaadka ayaa tan iyo intii uu xukumadda Siilaanyo ka tirsanaa waxa bulshada degaannada bariga Somaliland kaga mahad sheegteen waxqabad adeegga caafimaadku ugu horeeyo, isagoo saamayn siyaasadeedna ku leh deggaannadaasi iyo bulshada ku dhaqanba.

 

COMMENTS
LINKS