Wasiir Xaglotoosiye iyo Cali Khaliif Oo Ku Hirdamaya Buuhoodle iyo Taliyihii Maleeshiyada Khaatumo Oo Iscasilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Xaglotoosiye iyo Cali Khaliif Oo Ku Hirdamaya Buuhoodle iyo Taliyihii Maleeshiyada Khaatumo Oo Iscasilay
August 18, 2015 - Written by Editor:

Buuhoodle(Wajaalenews)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye iyo Cali Khaliif Galaydh oo hogaamiye u ah kooxda itaalka daraysay ee Khaatumo ayaa ku hirdamaya magaalada Buuhoodle, halkaasi oo ay ku loolamayaan taageerada bulshada Buuhoodle.

Wasiir Xaglotoosiye oo magaaladaasi gaadhay Axaddii ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay waxaanu ku sheegay hadal uu bulshada u jeediyay inaanu rabin in dhiig ku daadato degaanka, isagoo sheegay in Cali Khaliif degaanka la yimid colaad uu xamar ka soo waariday, waxaanu bulshada ku booriyay inay Cali Khaliif Magaalada ka saaraan.

Cali Khaliif oo isna dhawr cisho ka soo kicitimay Xamar, soona gaadhay magaalada Buuhoodle ayaa markii uu yimid bulshada hadal uu u jeediyay wuxuu ku guubaabiyay dagaal ka dhan ah Somaliland. Waxa la sheegay in Hotel ku yaala Buuhoodle uu degan yahay walina qorshaynayo kulamo uu la yeesho dadka degaanka ee taladu ka go’do. Waxa socdaalkiisa ku wehelinaya masuul ka socda shirkad shidaal oo fadhigeedu yahay Muqdisho.

Saleebaan Xaglotoosiyeoo si adag uga cadhaysan joogitaanka Buuhoodle ee Cali Khaliif ayaa isna kulamo la leh dadka degaanka, waxaana soo dhawayntiisa shalay muujisay siduu degaanka uga haysto taageero u janjeedha Somaliland.

Lama oga halka ay saldhigan doonto kala jiidashada bulshada Buuhoodle ee Cali Khaliif iyo Xaglotoosiye oo midna Somaliland ka tirsan yahay midna ka soo horjeedo balse hadda ku wada sugan Magaalada Buuhoodle ee Somaliland ka tirsan.

Dhinaca kale taliyaha guud ee maleeshiyada khaatumo ayaa sheegay inuu is casilay kadib markii farsamo xumo ku dhacday kooxdaasi. Waxa uu sheegay in mabda’ii maleeshiyada loo sameeyay dad dano gaar ah u adeegsadeen kana dhigeen shaadh ay qabiilkooda leegaysiiyeen.

“Haddii aan ahaa muddo taliyahaas oo aan joogay Saax-dheer, waxan qaabkii loogu talo galay waa laga duway, haddii ay ii muuqatay inay ka baydheen qaabkii loo dhistay, waxa uu go’aankaygu noqday inaanan ku sii dhex jiri Karin ama aanan hogaanka ciidankaasi noqon ama aanan taliska guud noqon Karin, markaan arkay sida hawshu u socoto, waxay noqotay in hawshii gacan beeleed gasho oo umaddii kalena noqoto wax maynoorati ah oo aan awood lahayn”, ayuu yidhi Taliyihii Khaatumo oo saxaafadda la hadlay.

 

COMMENTS
LINKS