Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Weerarkii Is-miidaaminta Oo ka Dhacay Xero Ciidanka Kismaayo Iyo Khasaaraha ka Dhashay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Weerarkii Is-miidaaminta Oo ka Dhacay Xero Ciidanka Kismaayo Iyo Khasaaraha ka Dhashay.
August 22, 2015 - Written by Editor:

KISMAAYO(Wajaalenews) — Ugu yaraan 14 qof oo isugu Jira Askar iyo Xoogag Al-shabaab ka tirsan ayaa ku geeriyooday Weerar Is-miidaamin ah oo Maanta lala beegsaday Xero uu tababbar uga socday Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku taalla dulleedka magaalada Kismaayo, iyadoo ay ku dhaawacmeen 30 ruux oo kale.

KISMAAYO 1

Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay Jaamacadda Kismaayo oo ku taalla duleedka Kismaayo, halkaasoo fariisin u ahayd ciidammo kuwa dowladda FS ka tirsan iyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya, dhawaanna Ciidammo ka Tirsan Dowladda Somalia uu Tababbar uga furay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Gaadhi NOAH ah oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lala beegsaday Xerada oo uu tababar ka socday, Waxaana halkaa ku dhintay 14 Askari oo isugu jira Ciidan ka Tirsan kuwa dowladda Somalia iyo kooxihii Weerarka fuliyay, Waxaana ku Dhaawacmay 30-qof oo kale,” ayuu AFP u sheegay Maxamed C/salaam oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada DF ee ku sugan Kismaayo.

KISMAAYO

Sarkaalka ayaa intaas ku daray inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo sida uu ku soo gudbay gaarigan waxyabaaha Qarxa siday koontaroolada laga xeradaas laga soo galo. iyadoo weli ay kacsa tahay xaaladda degmada Kismaayo.

Goob-jooge ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa isna Sheegay in dhaawacyada Askartii ay waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxa la dhigay Isbitaalka Guud ee Kismaayo halkaasoo lagu daweynayo.

Wararka Qaarkood aya sheegaya in ciidamadii ku dhaawacmay weerarkaas qaarkood loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la xusay in dhaawacyadoodu ay yihiin kuwo aad u culus oo aan waxba looga qaban karin Kismaayo.

Mas’uuliyadda Weerarkan ayaa Waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo Afhayeen u hadlay uu sheegay inay iyagu ka dambeeyeen Weerarkaas, wuxuuna Xusay inay Weerarkaas ku dileen askar fara badan.

“Askar badan oo kuwa cadowga ka tirsan ayaa ku dhintay weerarkaas, kaasoo uu fuliyay mid ka mid ah xoogaggeenna oo watay gaari waxyabaaha Qaraxa laga buuxiya, kaasoo isku qarxiyay gudaha xerada uu tababarku ka socday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay Al-shabaab soo saartay.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay waxyeello kasoo gaartay Qaraxaas saraakiil ka tirsan ciidamadooda xeradaas ku sugnaa, inkastoo aysan sheegin tiradooda.

 

COMMENTS
LINKS