War DEG DEGA;Muran Dhul Ka Agdhow Saldhiga Galbeedka Hargaysa Oo Sobobay Dhimashada Hal Ruux Iyo Sadex kale Oo isku Qoysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War DEG DEGA;Muran Dhul Ka Agdhow Saldhiga Galbeedka Hargaysa Oo Sobobay Dhimashada Hal Ruux Iyo Sadex kale Oo isku Qoysa.
August 9, 2015 - Written by Editor:

Maxaa ka jira in  maayarka caasimadahore u siiyay mulkiyada saldhigan nin ay madaxtooyada qaraabo yihiin Amarka Ciidanka Qayb ka ahaa?

HARGAYSA(Wajaalenews) abaaro 5:30 galabnimo ee maanta ayaa ay policeku rasaas ooda kaga qaadeen qoys degen saldhiga oday  AWOOWO oo ah odayga agdagen  saldhiga galbeedka magaalada hargaysa halkaasi oo hada rug ciidanka TARAAFIKADA ahi ay isticmaalaan  ayuu ku geeriyooday alla ha u naxariistee Marxuum Mustafe Awoowo oo 15 jir ahaa halka ay dhaawacyo culusna kasoo gaadhay laba   ay walaalo ahaayeen marxuumka  iyo qof dumar oo aan wali  lahayn meel dhaawaceeda lagu tacaalayo. carurtan uu  dhalay oday  awoowo oo ah odaygii wali giiba degeenaa runtan boolsika agteeda.

 

Dhacdadan ayaa timiday kadib  markii  maalintii shalay ahayd uu dhimaha meeshan bilaabay odayga iska leh oo lagu magacaabo AXMED JABAAN (AWOOWO) Sida ilo udhow dhow dhulkan muranku ka taagan yahay ayaa wajaalenews u xaqiijayay in galabta uun ay ciido hubaysani soo galeen halka ay degan yihiin qoyskan rasaasta lala dhacay kadibna ay boolisku damceen inay ka raraan xaafadan saldhiga agtiisa taasi oo keentay inay iska hor yimaadaan ciidanka amaanka oo qabay amar iyo caruurta  odaygan oo isdifaacayay  sida uu goobjooge goobta ka dhawaa u sheegay shabakada wararka ee wajaalenews.

booliska ayaa adeegsanayay rasaasta oo nool nool oo socotay qadar ku dhaw nusasaac sobobtayna geerida iyo dhaawacyada wiilasha uu dhalay oday ina awoowo oo ah ninkii dhulka ku deeqay saldhigaas.

 

dhanka kale wararka aanu ka helayno dhacdadan ayaa lasheegay in ay dabada ku hayso xukuumada oo saldhiga ku wareejisay nin ay madaxwayne siilaanyo qaraabo yihiin islamrkaana uu hore u diday odaygani in uu ka iibiyo dhulkan uu dagen yahay

Waxa kale oo wararku tibaaxeen uu maronka dhulka qayb ka ahaa nin shiciba oo hre ay AWOOWO isku qabsadeen balse mudo kadib ay ku kala baxeen.

 

 

 

WIXII FAAHFAAHINA KALA SOCO WAJAALENEWS

 

 

COMMENTS
LINKS