Waan Gartay Inuu Qoladaas Yahay!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waan Gartay Inuu Qoladaas Yahay!!!
August 22, 2015 - Written by Editor:

Qudhac: Waar maygaag saaxiib ninkaas hebel ee aad saaxiibka tihiin waa nin aad iyo aad u qoraala wanagsan !
Maygaag: waar niyow waa runtaayoo qoraaladiisa asxaabtoo dhan ayaa jeceloo i waydiisa.
Qudhac: waa sidaa aad u sheegtayoo niyow qoraaladiisa lagama xiiso goynayo, balse niyow dhib ayaa haysata saaxiibkaaye maad kala talisid?
Maygaag: oo saaxiib maxay tahay dhibtaas haysataa?
Qudhac: wax kale maaha dhibtuye, waxa weeyi qoraaladiisu waa xagga siyaasada uun markaa maad tidhaahdid wax kalena qor dadka siyaasad ha ku waaline!
Maygaag: dee niyow arrinkaas waanu isla soo qaadanaye, siyaasadii ayaa noloshiiba ahoo sidaas darteed ayuu ahmiyada u siiyaa!
Qudhac: waan gartay, anigu waxaan ka helaa sida uu siyaasada laftigeeda uga faalaado !
Maygaag: waar miyaad waalan tahay kaligaaba maahee dadka aan aqaano oo dhan ayaaba sidaasa ah oo aad ula wada dhacsan!
Qudhac: hagaag, oo niyow horta isagu xisbigee ayuu ku jiraa?
Maygaag: inta ogaalkay ah xisbina kuma jiro
Qudhac: haddaa ma kulmiye ayuu hore uga tirsanaan jiray?
Maygaag: maya, xisbiba waligii muu galine maxaad ku keentay?
Qudhac: waxaan ku keenay waxaad moodaa inuu kulmiye ka soo baxay xogogaalnimadiisa darteed.
Maygaag: haa gartay, waa nin iska furfuranoo sidaa darteed meello badan ayuu asxaab ku leeyahay
Qudhac: oo niyow hadaa maxaad u odhan wayday xisbi iskaga biir? Si weyn ayay xisbiyadu u soo dhaweyn lahaayeene!
Maygaag: niyow marar badan arrinkaas waanu ka sheekaysanaye, waa suuro gal inuu mid ku biiro markuu diyaar garoobo
Qudhac: oo horta waxaan ku waydiiyay mar haddaanu xisbi ku jirin muxuu ugu qoran waayay siyaasi madax banaan?
Maygaag: wager! Waar waa nin neceb inuu magacyo samaystoo waabad is qabsanaysaan haddaad ku tidhaahdo siyaasi ama qoraa
Qudhac: wagagac! Adeer maxaad u odhan wayday haddaanad isa soo saarin waligaa soo shaac biximaysid?
Maygaag: waabanu kula kaftanaaye waa nin illahay ku xidhanoo wuxuu ku odhanayaa magaca xaga samada ayaa laga bixiyaaye maxaan ula baxayaa anigu?
Qudhac: haddaa wuu wanagsan yahay bee, horta ma reer hargeysaa isagu?
Maygaag: haa waliba waa reer hargeysihii rasmiga ahaa?
Qudhac: oo ma qoladaasaa mise waa qoladaas kale?
Maygaag: qosol yar ka dib kolay qaar ayaad u malaysaye yaad ku qiyaasi lahayd?
Qudhac: dee anigu waxaan ku tiiriyay inuu qoladaas yahay
Maygaag: haa waad garatay inuu qoladaas yahaye maxaad ku qiyaastay?
Qudhac: waxaan ku gartay qoladaas reer hebel waa bilaa siyaasad mida kalena isma soo shaac saaraan! Sidaas darteed ayaan markiiba ku gartay inuu yahay qoladaas
Maygaag: dee niyow isagu qoladaas kumabuu soo dhex korin oo xageena ayuu daganaa, waana nin aan qabyaaladu ku waynaynoo cid walba iskala dhaqma
Qudhac: kaw waar saw kamuu dhalan miyuu dhalankoogu is doorinayaa?
Maygaag: dee hayoo qofka deegaankaa saameeya ee dhalankiisa qabiilku ma saameeyo?
Qudhac: waar waxba anniga nin reer hebela hay amaanine, sidaa aan kuu sheegay ayaa ka sal ahe
Maygaag: dee saaxiib adigu reer hebel waad ku kacsan tahaye, ninkan sawdiga arkay inay qoraaladiisu dhexdhexaad yihiin, maxaad ku duraysaa?
Qudhac: waar dhexdhexaadna maahee waa jiho la’aanta reer hebel uune! Hay wadin ninkaas warkiisee aynu mar kale isku nimaadno niyow!
Maygaag: maxaynu isu iman qoraagaygii ayaad ku kacsan tahaye?
Qudhac: waar kuma kacsaniye reer hebel waxay yihiin ayuun baan kuu sheegaye, waa inoo mar kale
Maygaag: bal waayahaye orod waaba yaabe!
Sheekadaasi waxay dhex martay laba nin oo saaxiib ah, isla markaan u kulmay si kadis ah . Tani waxay inoo muujinaysaa in qof kasta oo wax fiican qabta ama uun wax isku daya in waxa ugu danbeeya ee aynu ku qiimaynaa noqday qabiilkiisa iyo cidda uu yahay. Taas oo ah wax aan wanaagsanayn runtii, sharaf iyo qimo dhacna ku keenaysa hor-socodkeena nololeed. Sida oo kale waxay arrintani tilmaan cad u tahay inaanay dhalintu ka korin wixii awoowyaashood aqoon daradu u gaynaysay, waxaanad ka dheehan kartaa inaan mustaqbalkeenu lahayn yidiidlo hore loogu mari karo ama la isku qiimayn karo.
Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

COMMENTS
LINKS