Waa Kee Wadanka Kaliya Ee Ogol In Uu Qofku Dili Karo Naftiisa iyo Dhacdooyinka Wadankaa Laga Aaminsan Yahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kee Wadanka Kaliya Ee Ogol In Uu Qofku Dili Karo Naftiisa iyo Dhacdooyinka Wadankaa Laga Aaminsan Yahay.
August 16, 2015 - Written by Editor:

Aduunkan ilaahay sameeyey waxaa ku nool ama waxaa ka jira ku dhawaad 230 Dal oo iskugu jira qaar la yaqaan iyo kuwo aan la aqoon, sidoo kale waxaa jira in wadan kastaaba uu leeyahay Dhaqan iyo Caado u gaar ah oo wadan walba uu ku dhaqmo waana suuro gal markaad maqasho waxyaabaha qaarkood in aad la yaabto oo ay kugu noqoto u qaadan waa sidoo kale adigu dhaqan aad leedahay ayaa laga yaabaa in cid kale ay la yaabto waa dhif in la helo caado aduunka oo dhan ka wada dhaxaysa wayna yar tahay inta aduunku uu isagaga wada midka yahay waxaana ka badan kala duwanaashaha caadooyinka ay leeyihiin wadamadu ama umaduhu.

Qaaradaha aduunku way ku kala duwan yihiin dhaqamada sida Africa, Europe, Asia iyo America ayaa iyagoo qaarad ahaan ku kala duwan dhaqamada ayaa hadana waxaa dhacda in qaarad kastaa ay sii kala leeyihiin dhaqamo kala duwan Tusaale ahaan Africa hadaynu soo qaadano wadamada Africa isku wada dhaqan maaha oo way kala duwan yihiin.

Haddaba mida ugu la yaabka badan ayaa waxa ay noqonaysaa markaad aragto wadan kaliygii leh caado u gaar ah oo aan aduunka inta kale oo dhami aanay la mid ahayn wadanka la yidhaa Japan ayaa waxaa uu yahay wadanka aamisan in uu qofku xaq u leeyahay in uu is dilo oo uu naftiisa dili karo waana sharci u yaal wuxuuna qofku samaynayaa markuu doonayo in uu is dilo waraaq ayuu ka soo goosanayaa dawlada hoose markuu waraaqdaa soo qaato xaq ayuu u leeyahay in uu is dilo sidaas ayuuna isku dilayaa.

Arintan ayaa ah mid ay kaga duwan yihiin wadamada kale ee aduunka ka mid ah iyadoo qofka laga ilaaliyo in uu is dilo dadka islaamka ahna diinta islaamka ayaaba ka xaaraatimaysay in uu qofku is dilo oo uu naftiisa dilo qofka sidaa yeelaana waxa uu galayaa naarta jahanaba ilaahay ha inga magan galiyo.

Waxyaabaha kale ee dalka japan laga aaminsan yahay ayaa ah:-

  • In Qofku markuu dhinto naftiisa la soo galiyo Xayawaanka.
  • In Qofka wanaagsan ee dhinta naftiisa la soo galiyo Shinbiraha cida fiican.
  • In Qofka xun ee dhinta naftiisa la soo galiyo Baranbarada iyo wixii xun ee kale.
  • In ay yihiin wadamada laga cuno Eyga waxaad arkaysaa Saylad dhan ama xero dhan oo ay ku xaraysan yihiin intaas oo Ey ah oo laga iibsanayo.

Qalinkii Maxfuud Ali

 

COMMENTS
LINKS