Telifishanka Universal Oo laga Mamnuucay Jubaland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Telifishanka Universal Oo laga Mamnuucay Jubaland.
August 24, 2015 - Written by Editor:

Kismayo (Wajaalenews) – maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka mamnuucday deegaanada ay ka taliso tilefishanka Universal kadib markii lagu soo eedeeyey Tv-ga in si qalad ah uu u baahiyey qaraxii ka dhacay magaalada kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale Tv-ga ku eedeeyey in muddo laba sano ah warar aan jirin ka faafinayey maamulka.

Shaqaalaha u shaqeeya Tv-ga Universal ee ka howl gala deegaanada hoostaga maamulka Jubbaland ayey wasaaraddu warfaainta qoraal ay soo saartay kaga mamnuucday in ay ka howl galaan gobolada uu ka taliyo maamulka.

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee tv-gan laga mamnuuco deegaanada Jubbaland.

COMMENTS
LINKS