Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukumadiisa U Soo Jeediyey Eedii Ugu Cuslayd. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukumadiisa U Soo Jeediyey Eedii Ugu Cuslayd.
August 2, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Suldaanka guud ee bulshada Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan  Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan , ayaa eedihii ugu cuslaa u jeediyay Xukumadda Siilaanyo. waxa uu sidoo kale sheegay in xukumadda Siilaanyo weerar ku tahay bahda dhaqanka islamarkaana bahdilaad ku hayso madaxda dhaqanka.

Suldaanka iyo madaxdhaqameedka kale beeshiisa oo Hargeysa saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in maamuladii soo maray Somaliland ilaa wakhtigii Ingiriiska madaxdhaqameedku ahaa hadba cida talada haysaa gacmaha ay isticmaasho ee kala taliya arrimaha jira, balse xukumaddani jidkaas ka baydhay.

“Dawlad kasta oo Somaliland soo marta ilaa cahdigii Ingiriiska dawlad walba oo Somaliland soo martaa dhaqanka gacan saar bay la lahayd ee kumay soo duuli jirin oo may Burburin jirin. Waxayba u kaashan jireen waxyaabo badan oo dhaqanku xukumadda ka furan karo oo gacmihii ay ku shaqaysanaysay ayay xukumad walba ka dhigan jirtay tan iyo Ingiriiskii”, ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaan Xasan oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Xukumaddihii hore way ilaashan jireen dhaqanka oo biri ma gaydo ayay ahaayeen oo way soo dhawayn jireen, waxaanay talo ka waydiin jireen arrin qaran iyo mid qabiil labadaba. Waxaad moodaa in xukumadan Axmed Maxamed Maxamuud gadhwadeenka ka yahay uba soo tafo xaydatay inay meel walba oo Umaddan ka dhaqaaqaysa baabi’iso oo tirtirto.

Waad arkaysaa Golihii wakiilada oo wax caqli fayow oo xor ah leh dhawr Nin ku arkayso oo inta kale waxa haysta iyo siday farta iskaga taagayaan aad arkayso. Waxaad arkaysaa saxaafaddii oo cago juglayn badan lagu hayo oo hay’addo badan oo warbaahineed la laabayo.

Waxaad arkaysaa dhaqankii oo faro galin lagu hayo. Waxa nasiib darro weyn ah, waxaa la yidhi Karis xun iyana wax ku la, haddii xukumaddu dhaqanka goyso oo geedkii weynaa ee damalka ahaa ee ay kufadhiday jarto iyaduna wax bay ku la’dahay. Waanu ognahay oo kama ag wareegno waayo waxaanu ognahay inay dhaqanka ka aradan yihiin, waxaana ka sii daran inay dhaqankii jirita ka jarayaan soo jireenka ahaa ee dalkani lahaa.

Waxaad arkaysaa salaadiintii oo la baabi’inayo oo tv-ga la so joojinayo oo la leeyahay wax taageera. Suldaan wax ma taageero ee wuu taliya, Suldaan wuu taliyaaye wax ma taageero. Waxaas iyo waxaas baan ku taliyay ayuu yidhaahdaa laakiin, waa waxyaabaha gefka ah ee dhaqanka ku lidka ah ee dhaqankii maanta lagu samaynayo” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanku waxa uu xukumadda ku sifeeyay mid sabool ka ah dhaqanka isagoo hogo tusaaleeyay madaxdi Siilaanyo ka horaysay siday ula macaamili jitay hogaanka dhaqanka “Madaxweyne Riyaale wuxuu na odhan jiray “ waar bal casho noogu kaalaya, waar bal halkan iskugu keen keena yacnii  talo aynu is waydiino ayuu meesha ku waday. Maxamed Xaaji Ibraahin CIgaal(AHUN) sidaas oo kale ayuu u waday laakiin, xukumaddan waxaad moodaa nooc aynaan wali arag ba”.

Suldaanku wuxuu ku taliyay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Guurtidu xalaalayso heshiiska lagu midaysan yahay ee ah in doorashada dalka laga qabto badhtamaha December 2016, si bulshadu uga baxdo walbahaarka iyo buuqa siyaasadeed” Masuuliyadda lama wada lahee waxay saaran tahay Madaxweynaha, waxaanu leenahay Waar Axmadow ku soo noqo Odaynimo, kusoo noqo waayeelnimo, maanta taariikhdaada ha xumayn, ma soconayso muddi muddi ku taag, digreeto ku sax, waafaji sharciga, guurtida u dir eek u soo noqo cahdigii qarankani ku socday oo wadatashi ah, cahdigii qarankani ku socday oo isku tanaasul ah, cahdigii qarankani ku socday oo go’aan qaadasho ah”, Ayuu yidhi Suldaan Xasan.

COMMENTS
LINKS