Shuftuu U Af-duuban Yahay!!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shuftuu U Af-duuban Yahay!!!!
August 4, 2015 - Written by Editor:

Waayo baddan ayuu farxad, Aftahanimo iyo Aqoon ku soo caano maalay, kartidisa Iyo firfircoonidiisa ayaa lagu soo tanaaday, Tilmaamida tubta toosan iyo Go’aan Qadaashadda waa lagu hilaadshay, faro dhuudhubnaanta iyo xeeladdaha siyaasadda jaro bax ayuu ku ahaa, 45 sano ayuu maamul iyo hoggaamin ku abtirsanayaa, Waayo kastaaba waagii lehe.. Hadda, waa hawlgab,wuu diiqadanooyaaa, kartidii Badnayd iyo awoodii way daciiftay, ma xamili karo culayska shaqada, gabow ayaa soo foodsaray, xoriyadd hadduu ku naaloon jiray qolbuu ku jiraa. go’amadda ciddo kale ayaa gaadha,daabaqaadna waa lagaga dhuftaa,gaadhbaa afkiisa iyo ficilkiisa laga hayaa, waxii ay rabaan ayuunbaa loo sheegaa, marwalba waa lagu gaafwareegaa si looga ilaaleeyo ciddo kale, wuu dhibsanayaa waxan lagula kacayo, intabaddana raali kama ah, balse waa laga awood batay, shuftana waa u afduuban yahay.

nin seexday sssiilaanyo3-qosol1

 

Madaladda ama goobaha fagaraha qudbadaha madaxwaynaha, cid gaara ayaa la qaabilsiiyaa, ka warhaynta inaanu taraarin, amaba ku ilaalinta, warqadda loo soo qoray. 18kii may wasiirka warfaafinta ayaa warqadda u soo saaray una sheegaya waxa ku qoran,, tiraba laba jeer oo uu safar madaxwaynuhu ugu baxayay dibadda, sidda safarkii djabouti ee sanadguraddii farsomaliga oo loo sheegay halku ku socday,kii ka danbeeyay ee london.. iyo marar baddan oo ay xanta madaxwaynuhu banaanka timidba waxay xuq iyo naxdinba ku ahayd shuftada uu u afduuban yahay..

 

 

Arxan daraddaasi, fool xumadaas, cadaawadaas iyo bahadilkaas Madaxwaynaha, umay gaysan cid shisheeya ahi, waa cid cidda ugu xigta, waa qawlaysato u soo banbaxday boobka iyo ku takrifalka awoodaha madaxwaynaha ee sidda qaldan ee qadarka iyo qoraalku keenay gacmahooda u soo galay… Kama Naxayaan, uma Arxamayaan, mana digigi xoonayaan, way ku dheefsadaan magaciisa iyo maamuuskiisa.. way jiideen, meeqaam hoosana dhigeen magacii iyo maamuuskii madaxwaynaha. balse iyagu waxay ka raaceen dhadhamadda xaaraanta ah…

 

Shacabow quuso, Ninka lafaha kii u xigay soo feentay, ee kaagana u soo faraxashay.. haka sugin, dhawrid sharciyadd, dawladd wanaag, ilaalinta dawladnimadda iyo dimuqradiyadda.. xorriyadda saxaafadda, ilaalinta ku takrifalka hantida qaranka. musuq maasuqa, eexda, ninjeclaysiga iyo qabyaaladda..

 

Wuu daalan yahay, cid u gurmata ayuu u baahan yahay, waa xiligii la nasin lahaa, wuu mutay in la nasiyee.. hiil iyo gurmadd ayuu shacabka ka filayaaa.. wuu u boholyoobay shacabkiisii jeclaa ee doortay.. waa laga ilaaliyay nasteexiisii oo dhan.. gacmo arxan daran ayuu gacanta ugu jiraa…….. xilalka wasiiradda waxa ugu Danbaysay markii ugu horaysay ee uu magacabay.. wakaa fagaarayaasha kaga marganaya magacyadda wasiiro xilka bari hore laga qaaday… shalaybay ahayd markuu tiraabayay in wasiiraddii waxbarashadu la socoto, wasiirkii maaliyadduna la socdo…

 

Khayraadkii iyo hantidii qaranka waa lagu magac doontay.. ciddo gaara ah ayaa ku Addeegata, bulshaddana u tusa inay abal ugu galeen wixii ay xaqa u lahaayeen.. inbadan oo shacabka ahi way baqaan.. dabcan danahooda iyo masaalix dooda ayay eeganayaane.. Qaranku wuxuu u Afduuban yahay, Cidd Aanu Dastuurku Siin Awoodiisa, shacabka dhudhuxdiisa iyo xogogaal Nimadiisuba banaanka ayay soo dhiggeen cidda middida dabkeeda haysa.. ee aan abaalna inagu lahayn abaalna inoogu qabin.. haddana ina maamulaysaa/////

 

Abwaan Gaariyaa lahaa, Gabaygiisii Gurmad..

 

Waxaa Geed Lala kacaa, Gankaad tahay, Eray la da’a,

Gafkana basharbaad u tee, haddaad ka garawdo qalad,

gobbay cadadeeda tahay. (gumard)………

COMMENTS
LINKS