Shirkaddo iyo Dawladdo ku Loolamaya inay Somaliland keenaan Fibre Optic-yo kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkaddo iyo Dawladdo ku Loolamaya inay Somaliland keenaan Fibre Optic-yo kale
August 5, 2015 - Written by Editor:

Dawladda Jabuuti oo hormood u ah mashruucan oo Berbera lagu soo dhigayo xadhig cusub

Hargeysa(Wajaalenews) waxa Hargeysa ka qabsoomay kulamo lagaga arrinsanayey sidii Somaliland loo keeni lahaa xadhiga qaada Internet-ka xawaarihiisu dheereeyo ee Fibre Optic-ka kaasoo shirkadda SOMCABLEay hore dalka u keentay isla markaana suuqa la soo galiyey.

fiper

Kulamadan oo ahaa kuwo aan saxaafadda Somaliland wax badan kala socon waxa Hormood u ahaa Madaxda Dawladda Jabuuti u qaabilsan Isgaadhsiinta, kuwaas oo wata Hindisahan cusub, waxaanay in muddo ah wadeen shirar ay ku ururinayaan sidii ay ugu heli lahaayeen saami ay shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ugu darsan lahaayeen.

Sidoo kale, waxa shirarkan ka qayb qaatay shirkaddo kale oo laga leeyahay Puntland, Somaliya, Kenya iyo Yeman, waxaanu sida la filayo qorshahoodu yahay in ay Badda soo jiidaan Xadhig cusub, si ay uga wada faa’iidaystaan fursada xadhigan oo ka weyn ka jabuuti laga soo jiiday.

Shirkaddaha Somaliland ee ka qayb qaatay Heshiiskan ayaa la sheegayaa inay dhinacooda danaynayaan mashruucan cusub, hase yeeshee waxaan illaa hada caddayn halka laga marayo Heshiiskii hore ee ay Somaliland la gashay Shirkadda SOMCABLE iyo inay iyana qayb ka tahay mashruucan maadaama ay hore u haysatay sharcinimada inay dalka keento xadhiga badda hoos mara ee Fibre Optica.

 

Sidoo kale, waxa mugdi badani bulshada kaga jiraa maadaama Xukuumadda Jabuuti loo tiriyo inay xadhiga hore ee SOMCABLE wax ka ogayd maadaama ganacsadaha lihi reer Jabuuti yahay qorshahan kale ee ay ka leedahay xadhigan cusub.

COMMENTS
LINKS