Shirkaddaha Bollore iyo DP World Oo Ku Loolamaya Maamulidda Dekedda Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkaddaha Bollore iyo DP World Oo Ku Loolamaya Maamulidda Dekedda Berbera
August 20, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Shirkadda  Faransiiska laga leeyahay  ee Bollore iyo shirkadda DP Wold oo Imaraadka Carabta laga leeyahay , ayaa loolan xooggan ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen maamulka dekedda Berbera oo xukumadda Somaliland qorshaysay in shirkaddahaasi hadba ta loo garto lagu wareejiyo.

Sida lagu sheegay warbixin dhinacyo badan oo warbaahinta Africa Intelligence ka qortay arrintan Labadan shirkadood oo ku xeel dheer maamulka dekeddaha  waxay ku tartamayaan sidii ay u kasban lahaayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana mid kasta gacanta ugu dhigi lahayd heshiiska lagu maamulaayo dekeda, balse Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu doortay qorshe ah inuu labada shirkadood ba la shaqeeyo,isagoo eegaya muhiimadda dekedda Berbera.

Sidoo kale warbixin Africa Intelligence lagu daabacay bishii June, ayaa lagu sheegay in loolankan dartii loo baajiyay kulan midawga Yurub qabanqaabisay oo ku saabsanaa jidka Berbera-Addis Ababa ee Coridor iyo horumarinta dekedda Berbera, kaasi oo IGAD iyo dhinacyada kale ee arrintani khusaysaa ka qayb gali lahaayeen.

Kulankan oo ka dhici lahaa 7 July magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la kansalay 23 June, kadib markii Ra’isal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleng uu Madaxweynaha Somaliland ku wargeliyey in uu doonaayo inuu Imaraadka Carabta kala shaqeeyo horumarinta dekeda Berbera, balse Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud uu arrintaas aad uga hor yimi.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Xogyaha Fulinta Urur Goboleedka IGAd Mr. Mohboub Maalin ogaysiiyey booqasho uu dhawaan Muqdisho ku tegay in aanay Somaliland wax mashruuc ah siin, maadaama ay ka soo horjeedaan midawga, sidaa darteed waxa uu ka codsaday in la hakiyo shirka Nairobi ka hdici lahaa.

Sidoo kale, Dawladda Jabuuti, ayaa loolanka loogu jiro horumarinta dekeda Berbera u aragta mid khatar ku ah dhaqaalaheeda, taasina waxay keentay in Ra’isal-wasaaraha Itoobiya uu Wasiirkiisa Maaliyada Mr. Sufian Ahmed hawlgal 25 June ugu diro Jabuuti si uu u soo hubiyo in ay heshiis dhinaca dekeda ah ay ogoshahay Jabuuti.

Wefti Somaliland ka socda oo ka kooban Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Qorshaynta Sacad Cali Shiri iyo Agaasimaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor, ayaa Dubay gaadhay 12 May, iyagoo casuumaad ka helay Amiir Maxamed Bin Rashid Al-Maktoum. Waxa ay weftigan la kulmeen Maxamed Sharaf oo ah Agaasimaha Dekedaha Imaraadka iyo Shirkadda DP World ee dekeda horumarisa, kulankaas oo qayb ka ahaa sidii shirkadiisu ugu guulaysan lahayd heshiiska maamulida dekeda Berbera.

Shirkadda Dekedaha Imaraadka Carabta ee P&O Ports, ayaa aad ugu dedaalaysa in ay ku guulaysato maamulada dekeda Berbera, iyadoo dawladda Somaliland u fidisay dalab ah $40 milyan oo doollar oo ay heshiiskaas ku saxeexayso.

Dalabkan shirkada ka yimi waa ka sababay in 12 May 2015 ay wefti Somaliland ka socda oo uu hoggaaminaayo Wasiiirka Madaxtooyada Xersi Cali Xaaji Xasan u duulaan Dubay.

Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya Imaraadka Carabta, ayaa waraaq uu 3 December u soo diray Madaxweyne Siilaanyo kaga codsaday inuu dekeda Berbera maamulideeda gacanta u geliyo shirkadda Faransiiska ah ee Bollore.

Geesta kale sida warbixinta  africaintelligence lagu sheegay , Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Biixi Yoonis, ayaa taageersan in shirkadda Faransiiska ah ee Bollere heshiiskaas la siiyo, halka Wasiirka Madaxtooyada iyo safiirka Imaraadka Carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar taageersan yihiin shirkadda Imaraadka laga leeyahay ee DP Wolrd.

Wasiir Biixi, ayaa 5 February heshiis is fahan ah la saxeexday Mr. Eric Melet oo ah Agaasimaha Guud ee Shirkadda Bollore, iyadoo lagu ballamay in heshiiska rasmiga ah 1 May la soo afjaro, balse ilaa hadda wax kulan ah oo dambe lama mudayn, khilaafka xubnaha dawladda ka dhex taagan eeku saabsan cida gacanta loo gelinaayo shirkadaas.

Xukumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in ilaa 4 Shirkadood oo waaweyni ku hawlan yihiin sidii ay xukumadda ugu qancin lahaayeen qorshaha ay ku maamulayaan dekedda, iyadoo xukumaddu ku dooday inay dekedda casriyaynayso si ay u noqoto xarunta ugu weyn ee waxa Africada Bari ka dhoofaya iyo waxa ka soo degayaba maraan.

 

COMMENTS
LINKS