|
|||||
WAJAALE NEWS
Sheekh Dahir Oo khudbadii Salaada Jimcaha Isbarbar Dhig Ku Sameeyay Habdhaqanka Xukuumadii Hore Iyo Tan Maanta Oo Uu Sheegay Inay Marayso Heer Saldhigyo La Bixiyo.
August 14, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) khudbadii salaadii jimcaha ee maanta oo Masjidu Ramadaan ee Xaafada Jigjiga Yar uu maanta kaga hadlay muftiga masjidkaasi sheekh daahir Aadan oo kamida culimada Waawayn ee dalaka ayaa hadlay Arimo badan oo ay kamid yihiin, nabadgalyada, dilalka xukuumadu ku hayso shacabka, biyo la,aanta, bixinta hantida qaranka iyo arimo kale oo ku soo kordhay bulshada. Ugu horayn wuxu sheekhu ku qoto dheeraaday” miisaanka ay leedahay in ladaadiyo dhiiga qof muslim ah iyo ciqaabteeda isaga oo xukuumada ku eedeeyay in ay iyadu nabadgalyo darada keenayso marka ay caruurta aan wax hub ah sidanin ay madaxa kala dhacayaan rasaasta nool isaga oo ku sobobeeyay in aanay caruurtii meel ay kubada ku ciyaaraan iyo meel ay ku jimicsadaan toona aanay jirin madaama ayuu muftigu yidhi ay dawladu dhaamaan bixisay hantidii dawlada una adeegsatay dano gaar ah” mar uu sheekhu ka hadlayay faraqa u dhexeeya dawladii hore iyo tan maanta waxa uu sheeghay in dawladii Riyaale ay ilaalin jirtay hantida dawlada, wax ay kusoo kordhiso mooyaanee aanay waxba ka bixin jirin waxyaabo badana kaga wanaagsanayd buu yidhi tan maanta isaga uu hoosta ka xariiqay in dawlada maanta jirtaa faro baas ku hayso bixinta hantida guud ayna gaadhaybuu yidhi heer la bixiyo saldhiguadii dawlada iyaga oo u adeegsanaya arimo gaara iyo shaqsiyaad ay dan kaleeyaihiin ayuu yidhi muftigu. dhinaca kale sheekha ayaa ka hadlay biyo la,aanta baahsan ee ka jirta magaalada hargaysa isaga oo xukuumada usoo jeediyay in ay dadka uga gargaaraan biyo la,aanta. ugu danbayn sheekha ayaa kula dardaarmay shacabka in ay nabadgalyada ilaaliyaan oo ay muhuum tahay ayna suurta gasheenbuu yidhi salaadan aynu isugu nimd nabadgalyo la,aan.
Wajaalenews desk Hargaysa Office Email;wajalenews@gmail.com
Related posts:Xukuumada Somaliland oo Wefti Wasiiro iyo Xildhibaano Ka Socday Maamulka Puntland oo Ka Saartay Deeg... “Ma Awoodno Inaynu Udhegoolayno Muddo Intaas Ka Badan, Dalabka Somaliland Ee Ku Waajahan Aqoonsiga” ... Dr. Bulxan Oo Ka Sheekeeyay Sababta Uu Xasan Sheekh Madaarka Ugu Jeex-Jeexay Heshiiskii Ay Isaga Iyo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|