Safarkii Madaxwayne Siilaanyo Ee Gobolada Bari Iyo Mooganaanta Xukuumada Ee Abaarta Ba’an Ee Dalka Ku Habsatay+kharashkii ku baxay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safarkii Madaxwayne Siilaanyo Ee Gobolada Bari Iyo Mooganaanta Xukuumada Ee Abaarta Ba’an Ee Dalka Ku Habsatay+kharashkii ku baxay.
August 3, 2015 - Written by Editor:

Safarkii bilaa ujeedada ahaa ee Axmed Siilaanyo ku tegey Gobolada Bariga JSL ayaa lacagta ku baxday lagu qiyaasay Shan Boqol oo Kun oo Doolar halka uu haraad ku diley Sagaal qof Gobolka Gabiiley halkaas oo Abaaro Ba’ani ka jiraan isla markaana Qaylo dhaan ayaa Bilihii uugu dambeeyey kasoo yeedheysey Gobolada Gabiiley, Selel iyo Awdal, hadaba waxa wax lala yaaba ah badhisaabka Gobolka Gabiiley ayaa halkii laga sugayey inuu ka soo War bixiyo xaaladaha iyo Abaaraha ayuu bilihii u dambeeyey ka soo waramayey inuu Gobolka Gabiiley ka sifeeyey Xisbiyada Mucaaridka ah iyo inuu soo joojiyo Tv-yada Dad lasoo ururiyey oo leh waxaanu taageer sanahay mudo kordhinta Golaha Guurtida isagoo Badhisaabku og ereyada laga jecelyahay Qasriga M/tooyada waana nasiib daro aad u weyn iney shaqadii Badhisaabka loo dirtey noqoto waxaas iyo wax ka sii daran waxaynu Shaashadaha la iska arko kawada arkeyney Badhisaabka Gobolka Gebiiley Mr Shiine oo Gobolka Sanaag jooga kana mid ahaa wefti u sii gogol xaadhayey tegi taankii Axmed Siilaanyo ee Gobolka Sanaag manay dhicin in la arko isagoo ka hadlaya Abaaro iyo dhibaato ka jirta Gobolka Gabiiley marka laga reebo xisbiyada mucaaridka arintani waxay ka marag kacaysaa inaanay mudo shan sanadood ah dalka ka jirin xukuumad dan ka leh umadan liidata hadaba akhriste hadii casaabadi dalka qabsatay isla markaana waxan hanti doodii la boobayo ee hadana la kala qaybinayo ee hadana la isku dirayaa isla shacbigii yihiin miyaanay iyaga qudhoodu qayb ka ahayn dhibta taala? Waxaan ku soo xidhayaa waa dulmiga diida oo casaabadan wakhtigeedi dhamaaday oo ha taageerina oo qayb ha ka mida ha noqonina kuwa loo adeeg sanayo dulmiga iyo xumaanta

 

 

Qore: Cali Cismaan Libaax ( Cali Xaraaro)

COMMENTS
LINKS