|
|||||
WAJAALE NEWS
Reer Hargeysa Oo Beddelka CABDIRASHIID DURAAN U Arka Fallaadh Ka Go’day Cadaalladdoodii Iyo Walaaca Reer Reer Saaxil
August 31, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)-Shacabka ku dhaqan Caasimadda Somaliland, ayaa si weyn usoo dhaweeyey tallaabadii lagu beddelay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka M/jeex oo loo beddelay dhinaca Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil. duraanGuddoomiye Durraan oo muddo sanado ka hor ah xilkaas loo magacaabay, ayaa hoggaanka u hayey shakhsiyaad ku suntan ay hor taagan yihiin soo celinta iyo taabbogelinta Nidaam caddaaladeed oo la xukuumaddu doonaysay inay muddooyinkii ugu dambaysay ka hirgeliso Dalka Gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo la aaminsan yahay inay ubuc u tahay Caddaaldarro baahsan oo shacabku tirsanayeen. Guddoomiye Durraan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Garsoorka Somaliland ee beddelaadiisa waxa si weyn usoo dhaweeyey Shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa oo u arkayey caqabadd ugu weyn ee ay cuskato caddaalada xumada dalka ka taagani. Aragtida shacabka ee la xidhiidha Guddoomiyihii Hore ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka M/jeex ayaa ah mid salka ku haysa inuu sidoo kale ahaa shakhsi caan ku ahaa Hakinta iyo is-hortaagga dacwado Boqolaal kor u dhaafaya oo isdul toonsan Maxkamadda Rafcaanka ee uu gacanta ku hayey, isagoo caado ka dhigtay inaanay dhaqaajinin dacwadaha Rafcaanka ee loosoo gudbin jirey. Cabdirashiid Maxamed Maxamuud Duraan, waxa sidoo kale ay shacabku ku yaqaaneen nin ka arradan dedejinta dacwadaha gacantiisa soo gala, isagoo si hubsiimo la’aan ah Faylasha Dacwadaha muddo dheer u habsaamin jirey, taas qayb weyn ka ahayd inay shacabku ka aamin ka baxaan Caddaaladda Taalla Maxkamadaha Dalka, gaar ahaan midda Rafcaanka ee uu gacanta ku hayey. “Caddirashiid Durraan waxa uu ahaa nin habaar kaga dhacay Caddaaladda, waxana aan aamin sanahay inay Reer Hargeysa ka raysan doonaan, Beddelaadiisuna waxa ay horseedi kartaa in bahda Garsoorku Hesho Neecoow Caddaaladeed,”sidaas waxa yidhi Rooble Cismaan oo u warramay Wargeyska Hubaal. Sidoo kale waxa Warwar iyo walaac xooggan muujiyey shacabka Reer Berbera oo ah Goobta loo beddelay Guddoomiye Durraan, waxana ay tilmaameen inay aaminsan yihiin inuu Guddoomiyuhu halkaas ka hirgelin doono wixii uu ka hirgeliyey Hargeysa oo loo arkayey caddaaladdarro baahsan. Waxa ay reer Berbera muujiyeen inay walaac weyn ka qabaan mustaqbalka Caddaaladooda, maadaama ay gacanta u gashay shakhsi hore loogu xaman jirey Xagal-daacinta Kiisaska Gacantiisa gala. “Warwar badan baa ka qabaa caddaaladda Gobolka Saaxil iyo garsoorkiisaba Mar haddii loosoo beddelay Cabdirashiid Durraan oo Xantiisu dhegayahaga ku badnayd, balse waanu eegi doonaa sida uu u dhaqmo.” Ayuu Wargeyska Hubaal u sheegay maxamed Cali oo ku nool Magaalada Berbera. Tallaabada Guddoomiye Cabdirashiid Durraan loogaga eryey Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka M/Jeex, ayaa waxa ay ahayd mid ka timi Tallooyin ay soo gudbiyeen Xeel Dheerayaasha Caddaaladda Somaliland, waxana la sheegay inuu bud-dhig u yahay dhibaatada Garsoorka haysata, isla-markaana Beddelaadiisu wax baddan soo kordhin doonto. Hore ayaa Guddoomiye Cabdirashid Durraan Dhaawacyo culus loogu geystay xilli laga cabanayey inuu caddaalad-darro ku gunaanaday Kiis Musuqmaasuq ku lug lahaa Oo uu hore masuul uga xilligii uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka M/jeex ahaa. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|