Reer Awdal Ilmo Yaxaas Uma Baahna Ee Waxay U Baahan yihiin In Laga Jawaabo Tabashadoodii; Siyaasi. Mustafe İid Maxamed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Reer Awdal Ilmo Yaxaas Uma Baahna Ee Waxay U Baahan yihiin In Laga Jawaabo Tabashadoodii; Siyaasi. Mustafe İid Maxamed.
August 21, 2015 - Written by Editor:

Waxa dhawaan furmay kalfadhigii 28aad ee golaha wakiiladda JSL. sidii caadiga ahayd waxay shirgudoonku mudanayaasha golaha wakiilada soo hordhigeen Ajandaayasha kalfadhigan furmay. oo uu ka mid yahay xeerka lagu soo dooranayo Golaha wakiilada laftiisa. ka dib markii ay dhamaatay doodu. Goluhuna u codeeyay in ajandaha uu ka mid noqdo xeerka golaha wakiilada lagu soo dooranayaa.

7113_831912826852824_1781617147658759829_n(1)

waxay dad fahamka dawladnimadu ku yar yahay ku doodeen in la fudaydsaday saluugii reer awdal ka qabeen saamiga kuraasta golaha wakiilada. “waa ba lax baa laydinka yidhi” adeer horta xeer lama ansixine wuxuun buu goluhu Ansixiyay inuu ajandaha iyo hawsha goluhu kalfadhigan qabanayo inuu ka mid noqdo, intaa wixii ka danbeeyana laga doodo. cidda saluuga saamiga Kuraasta wakiilada reer awdal wax ka taraysaana maaha kuwa diidan in Ajandahaa golaha wakiilada lagu daro. ee waa Gudoomiye Ciro iyo Xildhibaanada Xisbiga waddaniyee keenay ee meel mariyay xeerkani inuu Ajandaha ka mid noqdo. waayo reer awdal ma saluugsana wax geedaha ku qoran ee waxay saluugeen saamiga uu xeerkii hore siiyay, soo markaa xalku maaha in kii laga doodo wax ka badal iyo kaabisna lagu sameeyo. si waxay saluugeen marka Goluhu isku qanciyo laga saaro.

Sharciga iyo xeerarka dalka oo la dabaqo dawo aan ahayn ninka ku baaqayana waxaynu leenahay “dameero u sheeg” reer awdala ilmo yaxaas uma baahna maantee waxay u baahanyihiin in laga jawaabo tabashadii tan ka horaysay ee ay ilaa maanta kulmiye iyo xukuumadiisu jawaab ay ku qancaan ka bixin.

Gabagabdii reer Awdal way ka garasho iyo garaad ba badanyihiin kuwa doonaya inay marin habaabiyaan bulshadda gobta ah ee reer Awdal. “Libaax nin ganay iyo nin galaday kala Og”

 

 

Siyaasi. Mustafe İid Maxamed.

COMMENTS
LINKS