Qunsuliyadda Turkiga Ee Somaliland Oo La Sheegay In Aanay passport-ka Somaliland Waxba Ku Bixin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qunsuliyadda Turkiga Ee Somaliland Oo La Sheegay In Aanay passport-ka Somaliland Waxba Ku Bixin.
August 23, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews)  23, August 2015 – Qunsuliyadda dawladda Turkigu ku leedahay Somaliland ayaa la sheegay in dadka doonaya inay booqdaan dalka Turkiga ay ku khasabto inay doontaan Passport-ka dalka Somalia, isla markaana aanay passport-ka SOmaliland aqbalin inay wax fiiso ku bixiso.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

qaar ka mid ah bulshada Somaliland oo maanta tegay xarunta qunsuliyadda Turkiga ee magaalada Hargeysa ayaa lagu wargeliyay in haddii ay doonayaan inay u safraan dalka Turkiga ay marka hore soo qaataan passport-ka dalka Somalia.

“Waxa keli ah oo aanu ku qabanaa fiisaha dalbashada qofka sita Passport-ka SOmalia, balse ma aqbalno Passport-ka Somaliland” ayaa lagu yidhi dadkan doonayaan inay qaataan fiisaha dalka Turkiga.

Qunsuliyadda Turkiga ayaa Somaliland laga furay laba sannadood horteed, isla markaana markii ay furtay la sheegay inay fiisaha ku bixin doonto Passportka SOmaliland, balse warkan cusub ayaa muujinaya inay qunsuliyadda turkigu doonayso inay Soomaali weyn Hargeysa uga dhex ololayso.

Dhanka kale wasaarada Arimaha dibada somaliland ayaa u muuqata mid ku fashilantay in ay cidkasta ku qanciso Passport-ka somaliland. Wasiir Biixi ayaa sheegay mar uu safiirka turkiga somaliya u fadhiyaa hargaysa yimid in xafiiskoodii turkigu furteen wuxuna yidhi; “Waxaanu kala hadalay inaanu Safaaraddayadii ka furano Turkiga,arintaas oo aanu Ra’isal wasaaraha haddana ah Madaxweynaha Turkiga kula soo heshiinay.waxaanu isku Ogayn in labada dalba Xafiisyo furtaan,markaa koodii waanu u furnay laakiin kaayagii wali lagama furin turkiga waanuse Magacawnay.

Hadalkan wasiirka ayaa ah mid aan qexin sida ay uwada macaamilayaan labada dal.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ka warsugidoonaa sida ay xukuumadu uga jawaabto arimahan dalka ka dhexsocda una muuqda olole sitoosa loogu hoosgaynayo dadwaynaha reer  somaliland wixii ay ka dagaalameen, iyo xukuumada ku fashilantay in ay abnigeeda sugto ee muqdisho taasi oo dawlada turkigu ku hawlan tahay siday madaxda somaliland ugu qancin lahayd wixii laysku odhan jiray soomaliya.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS