Qiso Ugub Ah:-Maxkamada Degmada Hargaysa Oo Ka Garnaqday Lamaane 13jir Iyo 12jir Ah Oo Rabay In Ay Is Guursadaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiso Ugub Ah:-Maxkamada Degmada Hargaysa Oo Ka Garnaqday Lamaane 13jir Iyo 12jir Ah Oo Rabay In Ay Is Guursadaan.
August 4, 2015 - Written by Editor:

Laba ciyaal ah oo dadoodu kala tahay 13 jir iyo 12 jir, ayaa isla baxsaday kadib markii damac guur kala galay. Ehelka labadan caruur ahi ka soo kala jeedaan, ayaa shaki ka galay siday suuro gal u tahay in meher isku qabanayo labada caruur ah.

SAWIRKA LAMAANAHA

Labada qoys ayaa isku khilaafay sidii labadan caruur ah la iskugu meherin lahaa, iyadoo loo arkay inay haboon tahay in la kala celiyo caruurta balse ay dhinaca kale ku warwareen in labada caruurta ahi ku qanci doonaan talaabadaasi.

Murankaasi ku salaysan in meher isku qaban karo labada caruur ah ayaa aakhirkii labada qoys iskula afgarteen in geeyo Maxakamadda Degmadda. Maxakamadda Degmada Hargeysa, ayaa ka garnaqday islamarkaana  xallisay khilaafka ka dhashay Lamaane aad u da’yar oo damac guur kala galay.

Go’aanka Maxakamadda ayaa saaciday labada Caruurta waxaanu arrintan ku go’aamiyay in labada caruurta ahi nolosha ku midoobaan, iyadoo labada qoysna la faray inay sidaas ugu duceeyaan la iskuguna meheriyo labada Caruura.

Maxakamadda ayaa kiiskan ku sheegtay kii u horeeyay ee nooceeda ah ee soo mara.

Arrintan oo bulshadu ku qaadaa dhigtay baraha bulshadu ku kulanto sida Bogga facebook ayaa noqotay mid soo jiidatay indhaha bulshada islamarkaana aad loo hadal hayo, lagana doodayo.

Inta badan guurka dhalinta da’doodu aadka u yar tahay ayaa inta badan bulshadu ku doodaa inuu u nugul yahay burburka islamarkaana qoysaska u badan ee Burburaa yihiin kuwa dadku dhalinyarada ahi dhistaan iyagoon ku baraarugsanayn wacyi badan oo nolosha ku gedaaman.

 

 

COMMENTS
LINKS