Qaramada Midoobay Ayaa Cambaraysay dhacdo naxdin leh ilmayar oo falastiini ah oo si xun loo Gubay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Ayaa Cambaraysay dhacdo naxdin leh ilmayar oo falastiini ah oo si xun loo Gubay
August 1, 2015 - Written by Editor:

Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon, ayaa ku baaqay in cadaaladda la hor keeno dadka dilay cunug yar oo Falastiini ah oo lagu dilay weerar gubitaan ah oo lagu qaaday dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

cunug

Afhayeenka Ban Ki Moon ayaa sheegay in guuldarada ah in la sheegi waayo dhibaatada soo noqnoqotay ee qalalaasaha ah ee Yahuuda deegaankaasi ay geysanayaan inuu dhalay weerarkan.

Waxa uuna intaasi raaciyay in si degdeg ah loogu baahan yahay in arrintaasi lagu dhammeeyo.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in nabad la’aanta, deegaameynta sharcidarada ah ee Israa’iil ay wado, iyo waxa uu ugu yeeray falalka “adage ee aan loo baahneyn” ee lagu burburinaayo guryaha Falastiiniyiinta inay sababeen in labada dhinacba ay xagjiriin noqdaan.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas, ayaa sheegay in weerarada noocaan ah ay sii soconayaan inta guryaha sharcidarada ah dadka yahuuda ah looga sameynaayo dhulka Falastiiniyiinta.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa waxa uu sheegay inaan loo dulqaadan karin waxa ay sameynayaan kuwa masuulka ka ah ficillada noocaas ah oo uu ku tilmaamay argagixiso.

Waxa uu muujiyay inuu ka argagaxay waxa uu ku sheegay dil arxan daro ah, wuxuuna booqday waalidka cunuga 18 bil jirka ah ee la gubay, iyo walaalkii oo aad ugu dhaawacmay dabka oo hadda cisbitaal la seexiyay.

COMMENTS
LINKS