Qabyaalad Aynu Ka Hadhnee Maxaynu kaga maarmi karnaa:? Qalinkii Nimco Baashe Cabdi: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qabyaalad Aynu Ka Hadhnee Maxaynu kaga maarmi karnaa:? Qalinkii Nimco Baashe Cabdi:
August 30, 2015 - Written by Editor:

In qabiilku duli yahay

 qab qabluhu tijaar yahay

alla ma cidbay ka dadan tahay:

Abwaan ilkojiir

Shayga la yidhaa qabyaalada  waa cudur siday shegeen, aqoon-yahanadii  ka hadlay  kaas oo ku dhex milmay isla markaana ku dhex dhintay  kuna daxaleystay  maanka iyo maskaxda dadkeena. Waa shay soo jireen ahaa ilaa awowgeenii sadexaad ama labaad aabayaasheen ayaa lagu anqariyay markii ay dhasheen  waxaana lagu hadal baray reer habal  sidoo kale inagana waa la inagu habay kaas oo aynu u nuugnay sida caanaha naaska hooyada. Qabyaaladu waxay noqotay  sida dharka aynu xidhano maxaa yeelay  qofna inta uu dharka iska bixiyo  suuq-yada magaalada ma maraayo isagoo mudh ah, sidaas darteed waaba lagula yaabayaa hadaad qof ku tidhaa qabyaalada iska daa  hadaba dadkeena intaas oo dhan reer habal soo hayay sidee  qalbigooda iyo qulubtooda looga nadiifin karaa isla markaana looga sifeyn karaa   shayga  la yidhaa qabyaalad?  Adigu hadaad fahanto in ay qabyaaladu tahay wax xun in ay tahay haan gun la ama hal bacaad lagu lisay adigu intaas hadaad fahanto waxaad awood u leedahay in aad fahansiin karto kana dhaadhicin karto saaxiibkaaga ama saaxiibadaada aaminsan qabyaaladu in ay tahay wax lagu faano   waxaanad ka dhaadhicin kartaa in ay tahay wax laga faano.  Way yar adag tahay  in awoowgaagii intaas oo sanado soo taagnaa ee intaas oo jeerna reer habel u soo taagnaa  laga yabaa  in ay adag tahay  hadaad tidhaa.  “Awoowo qabyaaladu waa wax xun”  waxaa laguugu jawaabayaa   ma maanta ayaad taa keentay    maxaa yeelay  waa wax ka dhaadhacsan dhiigoodana raacday in ay tahay wax lagu faano qabyaaladu,

nimco baashe

Dhibka ay qabyaaladu dadka u horseedo

 Waxaad arkaysaa dad badan  oo noloshooda oo dhan ay ku xidhan tahay qabiil.

Waxaad arkaysaa dad badan oo aad  is odhaneyso kuwan ma waxay u nool yihiin qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa qof  lagu hor cayaayo laguna hor af lagaadaynaayo  hooyadii iyo aabihiisii dhalay ee ifka keenay  ILLAHAY ka sokow.

kama damqanaayo kamana xumaanayo cayda lagu leeyahay  lakiin haday dhagihiisu   maqlaan   reer habel waa sidaas  isla markiiba sida Malaga ayuu kugu so boodayaa qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa dad badan oo shaqo ayna xirfad u lahayn qabanaaya  qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa qof  lacag uuna shaqeysan una dhididin iska qaadanaaya qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa qof  wixii uu hanti lahaa si yar looga qaadanaayo qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa qof shaqo uu daacad u yahay  loo diiday qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa  qof u ololaynaaya reer habel si uu magac u helo qabiil dartiis.

Maanta haday dawlada arrin ay kaa gasho oo uuna adeerkaa ama abtigaa ama qof kale oo aad is haybsataan uuna dawlada  xubin ka ahayn  arrinkaagaasi in uu hirgalo waxay kugu qaadaneysaa  wakhti badan  ama waa inaad laaluush bixisaa oo aad tidhaa waar habalow intaas qaado oo hawshaa ii dhameee.  Lakiin  hadii uu qof aad isku beel tihiin  dawladaa ka mid yahay  bariiskaagu xaga hore ayuu ku bisil yahay  waxaana la odhanayaa inankii ama inantii aan adeerka u ahaa ee  reer habel.  kolay wuu dareemi karaa siyaasi kasta oo dawlad soo maray ama qof uu  dawlada  mowduuc kaga xidhmay.

Maanta haduu adeerkaa iskuul leeyahay  oo qofka u yar laga qaado 10 dolar  laga yaabaa  in uu adiga adeerkaa ku yidhaa adero  adigu wax lacag ah bixin maysid  ee iskuulku waa keenii  waana kaagii.     Wiilka yar ee hooyadii suuqa ku iibiso  xabuubta  waxaa dhab ah maalinta ay bishu kow noqoto in hadii uu soo bixin waayo albaabka laga saaro   lana eryo ilaa uu lacagta  fiiga ah uu keenaayo.    Waa halka ay qabyaaladu ina gaadhsiisay  iyo meelo ka sii xunba way jiraan, Dadka soomaalida ah  waxay u badan yihiin oo ay inta badan dhaqan u ahaa xoolo dhaqato iyo reer guuraa  marka uu reerku guuraayo la iskama guuro ilaa  uu qof sahamin tago  soona helo meel dadka iyo xoolahaba u wanaagsan markaas kadib ayaa la raraa dadka iyo xoolaha, ujeedada hadalku wuxuu yahay  qabyaalad aynu ka hadhnee maxaynu ku badalanaa  illeen waa tii la yidhi  dayaxa hadii la waayo waxaa lagu gudaa xidigaha waxayna ka dhigan tahay  hadii dayaxu maqan yahay  balse ay xidiguhu joogaan  waa laga maarmi karaa dayaxa waayo wax u dhigma ayaa la helay.

Qabyaalad HaLa Daayee Maxaa lagaga Maarmi karaa???

Umadeenu qabyalaada maalinta ay ka maarmayaan ee ay ka baxayaan waa maalinta ay helaan Cadaalad iyo  Sinaan,

Maalinta ay dadku arkaan in ay mideyso aqoon iyo fikir  ee ayna midayn waxaynu nahay isku beel waxaynu qabyaalad ka maarmi karnaa  maalinta la iskuugu faano  waxaan ka soo baxay jaamacad hablaayo  Maxamed wuxuu ku takhasuusay heerna uu ka gaadhay  cilmiga noocaas ah  hodan waxay abaal marin ku heshay shaqadii wanaagsaneyd ee ay bulshadeeda u qabatay.   Maalintaas ayaynu ka baxaynaa kana maarmaynaa shayga qabyaalad,  waxaynu qabyaalad ka maarmi karnaa maalinta aqoon iyo wax garad in la isku dhaafo  loo tartamo ee aan loo tartamin  reer habel ayaa naga yar iyo reer habal anaga ayaa ka badan. Waxaynu qabyaalad ka maarmi karnaa  maalinta qofkii aamin sanaa in uu qabiil wax u qabanaayo  laakiin waxba ku waayay ee hadana aaminey in uu qabiil diid wax ku heli karo waayo wuxuu helayaa cadaalad iyo sinaan.

Inaga iyo aabayaasheen haday ina fuuqsatay qabyaalad ka ilaali kana hor tag in aad ku anqariso kuwa kuu dhalan doona. Horaa loo yidhika hortaga ayaa ka wanaagsan daaweynta”

Halkan iyo qoraal toona laguma soo koobi karo waxyaabaha faraha badan ee aynu kaga bixi karno qabyalada  ALLE ha ina garansiiyo jidka  loo mari kari sidii looga bixi lahaa qabyaalad  iyo sidii daawo loogu heli lahaa cudurkan inagu milmay.

Alle ha u naxariistee Abwaan Tima.Cade  wuxuu qabyaalada ka yidhi sidan.

“Dugsi ma leh qabyaalad waxay dumiso mooyaane,

Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinti ka carrowye.

Dugsi ma leh qabyalad waxay dumiso mooyaane.

Hadaynaan xumaantiyo dilkiyo daynin kala qaadka.

Dabaddaan ka joognaa sharciga daacada illaahe.

Danbarkeedu waa jahannaba iyo dogobkii naareede.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa bamqanayee dheguhu uma daloolaane.

Dadkaan  la hadlayaa lahayn dux iyo iimaane.

Bal inay dalfoof tahay cagliga dooni laga saaray.

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye.

 

COMMENTS
LINKS