Nuxurka Farriintii U Horaysay ee Wiil Osama Binu Laden Dhalay Soo Diro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Farriintii U Horaysay ee Wiil Osama Binu Laden Dhalay Soo Diro
August 17, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)  Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Urur-weynaha Al-Qaacida, Osama Bin Laden ayaa soo saaray Farriin uu ku Sheegayo in la Weerarro dalalka reer galbeedka ah, waxa uu si gaar ah u xusay dalka Israel.

Hamza bin Laden oo la aamisan yahay inuu ku jiro da’da labaatanka ayaa la qiyaasayay in uu noqon doono qofkii bedeli lahaa Osama bin Laden uuna hoggaamin doona Ururka Al-Qaacida.

wiilka ina cusama

Fariintan oo lagu baahiyay barta Twitterka ayuu Hamza ku sheegay in la weeraro dalalka Maraykanka iyo dalalka ay saaxiibbada yihiin, isagoo dhanka kalena xusay in la weerarro magaalooyinka Paris, London iyo Tel Aviv.

Wiilka uu dhalay Osama Bin Laden ayaa intii uu noolaa oo idil wuxuu ku dhex-jiray dagaalada Jihadiga isagoo ka soo dagaalamay dalka Afghanistan. Waxaana hoggaamiyaal badan oo Al-Qaacida ah ay doonayaan inuu noqdo Hamza noqdo Hoggaamiyaha Urur-weynaha Al-Qaacida.

Sidoo kale, Hamza bin Laden ayaa Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida wuxuu ku baaqay in dagaalada jihaadiga ah laga soo wareejiyo magaalooyinka Kabul, Gaza iyo Baqdaad loona wareejiyo Magaalada Washington ee xarunta Mareykanka.

Fariintan ayaa la rumeysan yahay in lasoo duubay kahor bisha June ee 2015-ka, laakiinse hadda lasoo bandhigay, iyadoo noqonaysa farriintii ugu horeysay oo uu soo duubo wiil uu dhalay Bin Laden.

Tan iyo Markii Bin Laden ay ciidamada ciidanka Mareykanka ku dileen dalka Bakistaan sannadkii 2011-kii ayaa kooxda Al-Qaacida waxaa hoggaaminayay Ayman al-Zawahiri kaasoo ahaa ku xigeenkii Bin Laden.

 

COMMENTS
LINKS