|
|||||
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE Oo la Filayo in Siyaasi Miisaan Culusle Loo Cumaamado.
August 26, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) , Xisbiga talada dalka haya ee SOmaliland ayaa ka fiirsanaya sidii uu u soo saari lahaa musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi, iyada oo ay xisbigaasi ku tartamayaan siyaasiyiin ka soo kala jeeda gobolada Hargeysa iyo Togdheer oo qolana doonayso Gudoomiyaha qolada kalena doonayso musharaxa madaxweynaha, hase yeeshee sida ay Wajaalenews u sheegeen warar ka la isla dhexmarayaa waxa jira qorshe cusub oo la doonayo in lagu soo daro tartanka siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Awdal, waxaanay wararku sheegeen in xubnaha la isla soo hadal qaaday uu ka mid yahay Mujaahid CRaxmaan Aw Cali Faarax oo ah Madaxweyne ku xigeenkii SOmaliland ee intii u dhaxaysay sannadkii 1993-1997. waxa kale oo ay wararku sheegeen in sababta uu xisbigu u soo hadal qaaday Mujaahid CRaxmaan aw Cali ay la xidhiidho sidii xisbigaasi ugu guulaysan lahaa doorashada soo socota, iyaga oo ka fikirey inay helaan codadka gobolada Gabiley, Hargeisa, Awdal, Sool, Sanaag, Hawd iyo meelo kale oo uu si uun saamayn ugu leeyahay C/Raxmaan Aw Cali, sidaasi darteedna waxa uu xisbigu isku dayayaa inuu fursad cusub oo uu talada dalka ku haysto la yimaado, isla markaana uu kaga adkaato musharaxiinta xisbiyadda mucaaradka ah. fursadaasi ayuu doonayaa inuu uga faa’iidaysto C/Raxmaan Aw Cali, isla markaana waxa uu rabaa inuu gobolada Awdal, Gebiley iyo Hargeysa ka helo ugu yaraan saddex meeloodow laba meelood oo ah codadka goboladaasi oo noqonaysa ku dhawaad 200 oo kun oo codbixiye oo ka mid ah 300 boqol ee ka codeeya goboladaasi, isaga oo xisbigu doonaya inuu gobolka Togdheer-na ka helo ugu yaraan 50 kun oo codbixiye, Sool-na ilaa Afartan kun, Sanaag-na labaatan kun. taasi oo haddii uu xisbigu helo ka dhigaysa in shan sannadood oo dambe uu talada dalka hogaamiyo. waxa kale oo la filayaa inay fursadani aqbalaan dhinacyada hadda ku loolamaya musharaxnimada xisbiga KULMIYE ee jagada Madaxweynaha, gaar ahaana marka ay noqoto siyaasiyiinta reer Hargeysa oo qaarkood ay hore saaxiibo dhaw u ahaayeen Mujaahid C/Raxmaan Aw Cali, halka ay dhinaca kale ee xukuumaduna u aragto Mujaahidka inay hore suul-daaro siyaasadeed ugu dhigeen markii ay Madaxweyne ku xigeenka hadda u soo xusheen inuu Silaanyo ku xigo, isaga oo Mujaahid C/Raxmaan-na ahaa nin aad ugu soo halgamay xisbiga KULMIYE, isla markaana sannadkii 2003-dii ka doortay inaadeerkii Daahir Rayaale inuu raaco SIilaanyo oo xilligaasi mucaarad ahaa, halka Saleebaan Gaal oo ay xisbi ahaayeena uu la shuraakoobay xisbigii UDUB ee Daahir Rayaale, taasi oo ay waqtigaasi dadka siyaasadda faaleeyaa ku tilmaameen cadaalad siyaasadeed oo ay Saleebaan iyo C/Raxmaan Aw Cali sameeyeen ka dib markii uu midba kii xigay ka doortay kii aanay isku gobolka ahayn. haddaba aynu eegno waxay ku dambayso arrintani. oo hadii ay xukuumada iyo xisbigeedu ku talaabsadaan noqon doonta mid guul u horseeda ismarkaana dawo u noqota gobolka awdal ee xiligan ay taagan yihiin duufaanada siyaasadeed,
HARGEISA SOMALILAND Xasan cumar yuusuf
Related posts:Xildhibaano Booqday Barakacayaasha Xaafada Istanbuul Ee Magaalada Hargaysa Oo Xaalad Gurmad Ubaahan ... DAAWO; Nuxurka Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Madaxwaynaha Jsl Ka Jeediyay Dhagax Dhiga Jidka ... Shirweynihii Afraad Ee Xisbiga KULMIYE Oo Markale Dib U Dhacaya, Xili Muddadii U Qorshaysnayd Maalm... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|