Mujaahid Cali Xaraaro; oo Maanso Kooban Kaga Hadlay Xaalada Dalka Uu Hadda Maraayo Iyo Sida Uu Madaxwayne Siilaanyo U Wadda Fasaxay Hantidii Ma-Guurtada Ahayd Ee Uu Dalkani Lahaa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Cali Xaraaro; oo Maanso Kooban Kaga Hadlay Xaalada Dalka Uu Hadda Maraayo Iyo Sida Uu Madaxwayne Siilaanyo U Wadda Fasaxay Hantidii Ma-Guurtada Ahayd Ee Uu Dalkani Lahaa.
August 27, 2015 - Written by Editor:

Mujaahid Cali Cismaan Libaax ( Mujaahid Cali Xaraaro) Ayaa Maanso Kooban Kaga Hadlaaya Xaalada Dalka Uu Hadda Maraayo Iyo Sida Uu Madaxwayne Siilaanyo U Wadda Fasaxay Una Xaraashay Hantidii Ma-Guurtada Ahayd Ee Uu Dalkani Lahaa .

Saaxiloo dagaal xumi ka dhicin

Digiyo baaruudi

Siilaanyo siduu damac sanaa

Loo diyaafadi

Dooxii dubaariyo berbera

Looma daadigo e

Deyr baaba lagu meersadoo

Loo dabaal degeye

Deegaanka reerihii ahaa

Dibeda loo saarye

Nimanbaa dalkoodiyo xukuma

Degeladoodii

Dekedii berbera iyo haamihii

Laysku dacareeye

Dakhligii iyo cashuurtii

Waa la dawdebeye

Isagoo diilintii iyo

Dacalki soo muuqdo

Doolarkii ragbaa urursadoo

Daaro buuxsadey

Dilaalna kama soo heshaan

Waana dubataan

Doqo niimadoodey rag ogi

Doco docaysteene

Dumar baaba loo soo diraa

Ruux haduu dido

Dulmiga la duunyada la dhacay

Dumarka eedaadey

Agoontaa ilmada duugeysa

Anigaba dareenkaa ii kacay

Diirka oogada e

Dagaals waan jeclaa xaaja

Aad dib uugu aydaane

Duliyahaw ka kaca

Intaad dadarta ruugeyso

COMMENTS
LINKS